Qabanqaabada xuska maalinta haweenka Aduunka ee 8-da Marso ayaa saaka ka socota magaalada madaxda Muqdisho iyo gobolada kale dalka.
Ururada haweenka Soomaaliyeed ayaa saaka munaasabado kala duwan oo lagu weyneeynayo maalinta haweenka ka oogaya magaalada Muqdisho iyo gobolada kale dalka iyadoo munaasabadahaasi lagu soo bandhidoono kaalinta ay haweenku kaga jiraan horumarka bulshada iyo doorkii ay ka qaateen halgankii gobanimada dalkeena.
Munaasabadahan ayaa lagu wadaa in ay sidoo kale ka dhacaan gobolada kale ee dalka, iyadoo hawenka Soomaaliyeed la filayo in sanadkan ay u xusaan maalinta 8-da Marso si ka duwan sanadihii hore, maadaama ay dowlada Federaalku ay haweenka xilal waaweyn ka siisay dowlada.
Maalinta Sideeda 8 Marso oo ah maalinta haweenka aduunka ayaa sanad kasta laga xusaa caalamka oo dhan, iyadoo haweenweeynaha Soomaaliyeed ay maalintan kusoo dhaweyaan munaasabado iyo dabaaldegyo ay kusoo bandhiigaan kaalinta ay haweenku kaga jiraan horumarinta bulshada kana soo saaraan halkudhigyo lagu weyneyneyo xuquuqda haweenkeena Soomaaliyeed.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
