Haweeney u dhalatay wadanka Hindiya ayaa la sheegay inay wada qabaan 5
nin oo wada dhashay oo ay waliba ay caruur u dhashay.
Wargeyska Daily Mail ee kaso baxa wadanka Ingiriiska oo wax ka qoray sheekada gabadhaan ayaa sheegay in gabadhu ay ku nooshahay tuulo yar oo la yiraahdo Dehradun, kuna taala waqooyiga wadanka Hindiya.
Magaca gabadhaan oo lagu sheegay Rajo Verma waa 21 sano jir waxaana ay u dhaxday oo hadda wada qaba 5 nin oo dhalinyaro oo waliba walaalo ah. Wargeysku waxaa uu ku waramayaa in haweeneydaan Hindida ah ay habeen walba mid la seexato inbkastoo ay hal guri wada degen yihiin.
Wiil yar oo 18 bilood jira oo ay haweeneydaan dhashay ayay sheegtay inaysan garanayn midka ay u dhashay hase ahaatee waxaa ay intaa ku dartay in shantooda uu Aabe wada yiraahdo.
Rajo oo ah haweeney 5 nin u dhaxday oo Hindiya ku nool waxay u sheegtay wargeyska wax ka qoray ee Daily Mail la yiraahdo in arrintaan ay iyadu hadda ku qancsantahay waxaana ay xustay in bilawgii sheekadaan ay dhiban jirtay hadase aysan waxba dareemin.
Mar wax laga weydiiyay midka ay u jeceshay 5ta nine e qaba ayay sheegtay inaysan kala jecleyn oo ay u siman yihiin.
Ninkii ugu horeeyay ee guursada waxaa la yiraahdaa Guddu 4 sano ka hor ayuu guursaday kadib markii uu cideeda ka doontay hase dib ayay ka guursaday 4 wiil oo kale oo la dhalatay oo lakala yiraahdo Sant Ram, Gopal,iyo Dinesh oo ah kan ugu dambeeyay waxaana uu guursaday sanad ka hor. “Dhamaanteen xaas bay noo tahay waana u wada galmoonaawaliba anigu kama maseyro waxaanu nahay qoys wada faraxsan” waxaa sidaas yiri Gaddu oo ah ninkii ugu horeeyay ee gursaday haweeneydaan. “Cuntada hal meel ayaanu kuwada karsanaa waana isku qanacsanahay” ayuu sidoo kale yiri Haweeneydaan waxaa ay sheegtay inaysan wax culays ah u arkeyn inay qabaan shan nin oo walaalo ah sababtuna ay tahay in hooyadeed ay hadda ka hor ay qabi jireen 3 nin oo walaalo ah.
Waxaa kale oo ay tiri “ Hal meel ayaanu wada seexana mana haysano wax sariiro ah oo bustayaal ayaanu wada huwaana” waxaana ay intaa ku dartay in 5,taan nine e qaba ay aad u jecelyihiin “ Waxaan dareemaa jaceyl ka badan kuwa ay helaan dumarka uu halka nin qabo” ayay sidoo kalew tiri. Aabaha dhalay haweeneydaan oo la yiraahdo Verma Draupadi ayaa u sheegay wargeyska la yiraahdo The Sun oo sidoo kale sheekadaan wax ka qoray inuu aad uga naxay markii uu muqlay in gabadhiisa ay shan nin u dhaxday.
Dalka Hindiya dadka aan Muslimka aheyn dhaqan ahaan uma laha in qofka dumarka ah uu guursado wax ka badan hal nin arintaana dad badan ayay ka yaabisay.

_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com