Wabi ku yaala magaalada South Dakota ee dalka Mareeykanka laguna magacaabo Sioux Falls Park ayaa waxaa ka dhacday Qiso cajiib ah ka dib markii Wabigaan uu ku dhex dhacay wiil yar oo lagu magacaabo Garrett Wallace balse dadkii isku dayay inay bad baadiyaan Wiilkaan yar ayaa gebi ahaanba geeriyooday.
Wabigaan oo ahaa mid Qaboow oo Baraf noqday (ice-cold) waxaa ku dhex dhacay Garrett Wallace oo 6 sano jir ah balse Walaashiis Madison Wallace oo 16 jir eheed ayaa ku dhimatay Wabiga Sioux Falls Park intii ay bad baadineeysay Walaalkeed ka yar waxaana sidoo kale Wabiga Barafka noqday ku dhex dhacay Wiil 28 jir ah oo lagu magacaabo Lyle Eagletail kaas oo ka qeeyb qaadanayay bad baadinta wiilka yar ee lagu magacaabo Garrett Wallace.
Waxaa goobtii uu shilka ka dhacay si deg deg ah ku soo gaaray ciidamada gurmadka deg deg ah oo watay cagaf cagaf iyo qalab kale balse waxaa u suurto gashay inay soo saaraan Meeydka gabadha lagu magacaabo Madison Wallace inkastoo weli la la´yahay raqdii Lyle Eagletail oo is lahaa wax bad baadi balse isagii qudhiisa uu dhintay .
Wiilka yar ee lagu magacaabo Garrett Wallace oo iminka Isbitaalka la dhigay ayaa waxaa laga qariyay Walaashiis bad baadisay in ay dhimatay wuxuuna maalin kasta ku hayaa goormee ayay i soo booqaneeysaa walaasheey sida ay sheegeen Dhaqaatiirta Isbitaalka South Dakota .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com