Qoys gurigooda ku dhex haystay muddo saddex sano ah qalfoofka hooyadoda oo geeriyootay Saddex sano ka hor

Saturday, March 9, 20130 comments


Qoys kasoo jeeda dalka Japan balse ku nool wadanka Mareekanka ayaa waxa gurigooda lagasoo dhexsaaray qalfoofka hooyadooda oo mar hore geeriyootay qosykaan oo ka kooban Saddex isla dhalatay oo ugu weynyahy walaalkooda oo jira 65 gabadha ku xigtana ayadana ay jirto 59 halka gabadha ugu yar qoyskaasi jirto 52 sanno ayaa kasoo muuqday maxkamad ku taala dalka Mareykanka iyagoo lagu haysto dacwada ah in ay ku dhex qarsadeen gurigooda qalfoof ka walidkooda oo geeriyooday mudda dhan saddex sano.

Qoyskani ayaa ku adkeystay inaysan lahayn wax danbi ah maadama oo ay aad u jeclaayen hooyadooda si saa,id ah kana quusan kari waayen in ay asturaan meyd keeda saddex dooduna isku waafaqeyn in ay talaaj dhex dhigtaan xaafada si ay ugu xafitaan meydka hooyadooda muda kadibna ay booqan karaan arintaani ayaa waxay noqotay mid lala yaabo maadamo ay ku noqotay wadanka Mareekanka wax ugu horeeyo oo ay ku kaceen dadkaani kasoo jeeda dalka Japan , Booliska ayaa baaris dheer kadib ku ogaaday in uu ku jiro guriga wax yaabo soo shiira maadama dadka deriska la ahaa qoyska meydka qalfoofkiisa qarsaday ay dareemeen udgoon ka gedisan wax yaabaha qurma.

Sidoo kale waxa la sheegay marka ay soo booqdaan qaraabada xididka la ah Qoyskasi ay ku deg degi jireen sidii ay kaga saari lahayen guriga maadamo cabsi badan ee ka qabeyn in lagu fahmo arimaha ka jira meesha.

Sida ay qortay jariirada lagu magacaabo Dail Mail ayay waxay ku sheegtay in inta badan wadamada Asia sameeyan wax yaabahani oo kale qaar koodna ay dhigtaan ruuxa geeriyoodo qal foofkiisa guriga.







_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog