Halkaan Ka’aqriso Taliyayaasha Lagu Badalay Dhaga badan iyo diini

Saturday, March 9, 20130 comments



Wararka isa soo taraya ee laga helayo Xarunta matax tooyada Villa-soomaaliya ayaa xaqiijinaya in si buuxda loo badalay Masuuliyiinta Xooga dalka.

Talaabadaan oo Maalmahaanba la hadal haayay ayaa si toos ah u dhaqan gashay ka dib marki Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ay isku raaceen xil ka qaadis lagu sameeyo Taliyihii Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya Sareeye Gaas General C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Abaanduulihii Ciidanka Xooga General C/kariin Dhaga-badan.
  
General Daahir Aadan Cilmi (Indho-qarsho) ayaa loo Magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya, waxa uuna Generalkan ka mid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidamada Xooga dalka, isagoona in muddo ah ku noolaa dalka Canada.

Sidoo kale waxaa kuxigeenka Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya isla Markaana Abaanduulaha Ciidanka loo Magacaabay General lagu Magacaabo C/risaaq oo ka mid ahaa Saraakiishii gacanta Midig ee Madaxweynihii hore dalka Soomaaliya General Maxaned Siyaad Barre.

General Diini iyo Dhaga-badan ayaa waxa ay kasoo qeyb qaateen Howlgalo badan oo gudaha Muqdisho iyo gobolada dalka lagaga saaray Xoogagii Al-Shabaab.

Labadaan General ayaa waxaa Taabatay Seefta is badalka Hogaanka Cusub ee Dowlada Federalka Soomaaliya, iyadoona sidoo kale lagu wado in dhawaan isbadal lagu Sameeyo Agaasimaha guud ee Hey’adda Nabad sugida iyo Taliyaha Ciidanka Booliska.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog