Waaliga Al-Shabaab u qaabilsan Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay in shalay ay Muqdisho ku dileen labo sarkaal oo ka tirsan Nabadsugida Qaranka, kadib markii ay in muddo ah ku raad-joogeen.
Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay in labada sarkaal ay kala qaabilsanaayeen howlaha nabadsugida ee deegaanada waqooyiga Muqdisho, waxaana uu tilmaamay inay ku qaarijiyeen Suuq Bacaad.
“Rag ka tirsan Jawaasiista oo muddo lagu raad-joogay ayaa suura gashay in laga taqaluso, waxay ahaayeen labo ruux oo mid ahaa Taliyaha nabad sugida afar degmo iyo ninka kale oo degmada Yaaqshiid qaabilsanaa”ayuu yiri Sheekh Cali Maxamed Xuseen.
Waxaa uu sheegay in aanay jirin meel ka xiran mujaahidiinta, isla markaana howl galkooda ka fulin karaan meel walba sida uu yiri.
Labada ruux ee la qaarijiyay ayaa lagu kala magacaabayay Ismaaciil Fuul-fuul iyo Mustaf Jiise ayaa la sheegay in ay qaabilsanaayeen deegaanada Waqooyiga Muqdisho, kuwaasoo shalay barqadii lagu dilay Suuq Bacaad.
Ma Jirto wax war ah oo ka soo baxay Hey’adda Nabadsugida oo ku aadan dilalka Saraakiisha, iyadoo dhowr jeer oo hore Muqdisho loogu dilay Saraakiil iyo askar ka tirsan nabasugida.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com