Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibada Masar Mohamed Kamel Amr ayaa maanta lagu wadaa inay booqasho rasmi ah ku yimaadaan magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Booqashadan oo ah tii u horeysay oo Wasiir ka tirsan dowladda Masar uu ku imaan doono Muqdisho muddo labaatan sano ayaa waxay muujineysa kobaca cilaaqaadka dowladda Soomaaliya la yeelaneyso Caalamka.
Kaaliyaha Wasaarada Arrimaha dibada Masar ee dhinaca Afrika Muna Omar ayaa sheegtay in Wasiirka iyo wafdigiisa ay la kulmi doonaan madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya.
Ms Muna Omar ayaa sheegtay in wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibada Masar garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweyneyso Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Inkastoo dowladda Soomaaliya aan ka soo bixin war rasmi ah oo ku aadan booqashada Wasiirka Arrimaha dibada Masar ayaa hadana waxaa saaka wadooyinka lagu arkayay Ciidamo sugayay ammaanka.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa bishii la soo dhaafay booqasho ku tagay dalka Masar, halkaasoo uu uga qeyb galay shirkii madaxda Ururka Islaamka.
Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay xiriirkeeda arrimaha dibada, iyadoo aqoonsi rasmi ah ka heshay dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com