Shirka Maamul u sameynta Gobolada
Jubooyinka iyo Gedo oo maalmo ka hor ka furmay Kismaayo ayaa maanta dib u
fumary,kadib markii shalay la galay maalin fasax.
Shirka oo ay ku sugan yihiin
Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Odayaasha dhaqanka, Waxgaradka, Haweenka,
Dhalinyarada oo dhamaan isugu jira kuwa ka yimid qurbaha iyo gudaha dalka.
Maanta ayaa lagu wadaa in ergooyinka
iyo dhamaan qeybaha ku sugan Shirka loo qeybiyo ajndayaal la sheegay in laga
doodayo, kaasoo ay lagu ogaanayo fikradaha dadka ka soo qeyb galay shirka ,
sidoo kale waxaa jiri doona khudbado ay jeedinayaan qeybaha buslahada oo
sheegay inay ku faraxsan yihiin maamulka Jubaland State.
Dhanka Dowlada Soomaaliya ayaa
shirkan ku tilmaamtay mid aan ka turjumeynin danaha umada wada dagan
Goboladaasi, waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’isul wasaaraha
dalka lagu muujiyay mowqifka dowlada ay ka taagan tahay shirkaasi.
Sidoo kale xildhibaanada Baarlamaanka
Soomaaliya ayaa isku khilaafsan maamul u sameynta Jubooyinka iy Gedo, iyadoo
xildhibaano uu ka mid yahay Xildhibaan C/rashiid xidig uu qabo in maamulka
Jubaland ay tahay mid wanaagsan loona baahan yahay in dadka ku nool halkaasi ay
sameystaan maamulk, isagoo soo daliishaday qodobo kamid ah Dastuurka
Soomaaliya.
Shirka Kismaayo ka furmay iyo gabi
ahaanba maamulka Jubaland Dowlada ma taageersana,w axaana dhaqaalo iyo dadaal
ku bixinaya Urur Goboleedka IGAD oo horey u balan qaaday inay sameynayaan wax
walba oo Dowlad Goboleedka Jubaland lagu dhisayo.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
