Madaxweynaha Jabuuti oo waxba kama jiraan ku sheegay hadalada ka soo yeeraya Mucaaradka

Saturday, March 2, 20130 comments

Kadib doorashadii dalka Jabuuti ka dhacday waxaa soo baxayay hadalo sheegaya in doorashadaasi la musuq maasuqay, waxaana kooxaha mucaaradka ay shaaciyeen in la duudsiiyay Tiradii baarlamaanka ay ka heleen.

Hadaba arintaasi waxaa wax kama jiraan ku tilmaamay madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, isagoo madaxweynaha wax kama jiraan ku sheegay hadalada sheegaya in la musuq maasuq.

Madaxweyne Geele oo wareysi siiyay Idaacada VOA-da qeybteeda afka soomaaliga ayaa u sheegay in wararka sheegaya in la musuq maasuqay doorashadii baarlamaaniga ee dalkaasi aysan ahayn kuwa wax ka jira, isagoo ku eedeeyay inay soo alifteen kooxaha mucaaradka.

Geele ayaa sheegay in natiijadii ka soo baxday doorasha aan la musuq maasuqin, wuxuuna sheegay in doorashooyinka ay ku sugnaayeen kor joogto caalami ah.

Madaxweyne Geele ayaa sheegay in 10 kursi ay heleen mucaaradka, kuraastii baarlamaanka ee ahayd 65 kursi, isagoo taasi ku cadeeyay inaysan ahayn musuq maasuq, balse ay ka cod badnaadeen xisbiga talada dalka haya ee madaxweynaha hogaamiyo.

Ugu dambeyna madaxweynaha ayaa ka hadlay banaanbax ka dhacay magaalada Jabuuti, isagoo sheegay in banaanbaxaasi ay u soo qabteen dad gaaraya 40 ruux, kuwaasoo uu sheegay inay dhawaan soo taagi doonaan maxkamada.

Mucaaradka dalka jabuuti iyo taageerayaashooda ku sugan gudaha jabuuti iyo dalalka aduunka ayaa isku raacay in doorashooyinki la musuq maasuqay, iyadoo kor joogtada caalamiga ah ee ku sugnaa Jabuuti ay sheegeen in doorashada ay u dhacday si dimuquraadi ah.








_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog