Soomaalidii dhawaantaan ku
dagaalantey iskool ku yaala magaalada Minneapolis, Minnesota ee dalkaas
Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay eedeyn kulul u soo jeediyeen ilaalada
booliiska ee iskoolkaas ayagoona sheegay inuu qeyb ka yahay dhibka ka jira iskoolkaas
islamarkaana uu qeyb ka ahaa dagaalkii dhawaantaan ka dhacay iskoolkaas oo ay
isku farasaareen Soomaalida iyo madowga kale ee iskoolkaas.
Soomaalidaan oo ka qeybgashay kulan
ka dhacay dhawaantaan iskoolkaas oo ay ka soo qeyb galeen madaxda iyo waailidiinta
ardeyda Soomaalida ee iskoolkaas dhigata ayaa waxay Soomaalidaas ku codsadeen
in wax laga qabto dhibaatada ku heysato iskoolkaas ayagoona sheegay inay dhib
weyn ku qabaan iskoolkaas islamarkaana aysan jirin cid wax ka maqleyso oo ay u
sheegan karaan dhibkooda, Arinta layaabka leh ayaa waxay tahay in Soomaalidaas
ay sidoo kale ku eedeeyeen inuu askariga booliiska ah ee loo keenay iskoolkaas
inuu qeyb ka qaato ilaalinta amaanka iskoolku uu qeyb ka yahay dagaalkaas
asagoona sida ay sheegtay Aniso Axmed oo ka mid ah ardeyda dhigata iskoolkaasi
uu ninkaas dagaalkii ka dhacay iskoolkaas uu ilaa 3 qof oo Soomaaliyeed uu
garaacay asagoo taageeraayo dhinaca kale ee ay Soomaalida iska soo horjeedeen.
Ugu dambeyntiina iyadoo maamulka
iskoolkaas uu ku sheegay dagaalkaas mid waayo aragnimo u ah oo uuna wax ka
qaban doono ayaa sidoo kale afhayeen u hadashay booliiska magaalada Minneapolis
oo lagu magacaabo Janee Harteau waxay sheegtay inay baari doonaan eedeymahaas
iyo dhamaan waxa ka dhacay iskoolkaas islamarkaana ay qiimeynayaan xiriirka
wanaagsan ee ay la leeyihiin jaaliyada Soomaaliyeed ee magaaladaas, ardeyda
Soomaalida ee dhigata iskoolkaas oo cabasho weyn ka muujiyey iskoolkaas iyo in
lagu haayo midab kala sooc ayaa 1700 ardey ee dhigata
iskoolkaas waxay ka yihiin 140 ardey
oo kaliya taas oo cadeynaysa inay ku yihiin iskoolkaas tiro aad iyo aad u yar
marka loo eego ardeyda kale ee dhigata iskoolkaas.
Daawo Muuqaal Ahaan Faah Faahin
Dheeraad ah ee ku Saabsan Dagaalka Soomalida iyo Madowga
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com