Mararka qaar waxaa dhacda in dooda
siyaasiyiintu kululaato oo ay sababto aflagaado iyo gacan ka hadal. Labo mudane
oo ka tirsan baarlamaanka wadanka Georgia ayaa dood loogu qabtay telefishanka
qaranka dalkaasi ay keentay inay isku gacan qaadaan mudanyaashaasi.
labadaan nin oo kawada tirsan
barlamaanka dalka Georgia laguna kala magaacabo Koba Davishgtavili oo kasoo
jeeda xisbiga Dream Party iyo Sergo Ratiani oo ka mid ah xisbiga United
National Movement Party ayaa doodu ku dhamaatay feer iyo laad. Dooda loo qaabtay
ayaa si toos loo tabinayay.
Nimankaan ayaa doodoodu gaarsiisay in
murankoodu xoogaysto oo ay is aflagaadeeyaan ka hor inta aysan gacanta iskula
tagin.
Ugu dambeyntii nimankaan ayaa waxaa
kala qabtay ilaalayaashii tv-ga doodiina rabshay ku dhamaatay telefishankii
hawada ayuu ka baxay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com