Qaar ka mid ah wariyayaashii ugu
muhiimsanaa tv-ga Universal ayaa isaga tagay shaqadii ay halkaa ka hayeen
iyadoo qaarkood ay si toos ah ugu biireen telefishino kale, qaarna aaney weli
cadeyn halka ay ka howlgeli doonaan.
Aaamino Muuse Weheliye ayaa si toos
ah maanta u shaacisay inay isaga tagtay telefishinka Universal waxaana ay
sheegtay in ay ku biirtay Horn cable tv. Dhinaca kalena dhowr beri ka hor waxaa
isna ku dhawaaqay ka tegistiisa telefishinka universal Ridwaan Xaaji Cabdi weli
oo ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsan shaqaalaha ahaana tifaftiraha wararka.
Ridwaan hore uma sheegin inuu
telefishin kale ka howlgalayo, laakiin maanta ayuu bartiisa facebook ku soo
qoray in uu jiro heshiis u socda qaar ka mid ah telefishinada afka soomaaliga
ku hadla dibna uu ka soo sheegi doono halka uu ku biirayo hadiiba uu
heshiiskaas guul ku dhamaado.
Cabdulqaadir Maxamed Cashir (Nadaara)
ayaa isna isla bishaan gudaheeda isaga tagay telefishinkaas isagoo ku biiray tv
cusub oo la furay dhowaan lana yiraahdo Kalsan, Waxaana dhamaan ka tegista
wariyayaashan ee universal ay dhacday bishan gudaheeda iyo bishii hore.
Ma jiraan warar rasmi ah oo ku
saabsan sababta ay wariyayaashu isaga yaaceen Universal waxaana intooda badan
markii ay ka tegistooda ka hadlayeen ay ku gaabsadeen inuu yahay go’aan ay
gaareen, balse akhristayaal marka ugu horeysa ee arintaas aan si rasmi ah u
ogaano waad kala socon doontaan bogaan newbanaadir.
Hore ayaa loo ogaa in maamulka
universal tv uu si akhlaaqda saxaafeed ka baxsan uu ula dhaqmay qaar ka mid ah
wariyayaashiisa, waxaana la xusuustaa in habeen ka mid ah habeenada uu
milkiilaha telefishinku uu soo fariistay uguna dhawaaaqay in Cabdulqaadi
Nadaara uu shaqada ka ceyriyey, inkastoo uu hadana dib u soo celiyey, waxaana
inta caqliga u saaxiibka ah ay is weydiiyeen hadii uu shaqaale ceyrinayo muxuu
tvga uga sheegayaa.
Waxa kale oo iyana la xusuustaa in
Cowke iyo Bishaaro Baandhe uu iyana u ceyriyey dacwad ka timid dowladda
Jabuuti, waxa kale oo iyana aan la ilaawi karin in wariye cabdulqaadir cumar
cabdulle oo dhaawac muqdisho ka soo gaaray xili uu u shaqeynayey universal aanu
waxba u qaban halka tvga kale ee Horncable maamulkiisu uu diyaarad gaar ah soo
kireystay markii uu ka geeriyooday wariyahoodii Xiis, waxaana ay kafaalo
qaadeen caruurtii uu ka tagay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
