Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur ayaa ugu baaqay Dowlada Federaalka Soomaaliya in tilaabo adag ka qaadaan qaar kamid ah Ganacsatada Magaalada Muqdisho uu sheegay in ee ku lug leeyihiin Qiima Dhaca Sarifka Dollarka xili maciishada wali sideedii qaali u tahay.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in Qaar kamid ah Ganacsatada Magaalada Muqdisho uu tuhmayo in Al-Shabaab soo direen uguna tala galeen in Dowlada iyo Shacabka la is tuso ee jahwareerinayaan qiimaha Sarifka si shacabka loo nacsiiyo loogana horkeeno Dowlada .
Gudoomiyaha ayaan xusay in isagu qabo shaki ah in arintan Siyaasad ku saleesan tahay ayna ku lug leeyihiin ganacsato uu sheegay in Shabaab taageeraan uguna tala galaan Dagaal dhinaca dhaqaalaha kol hadii Al-Shabaab looga adkaaday dhinacii Milatariga waligeedna jeclaa in Al-Shabaab dalka heestaan si ee dantooda u fushadaan.
‘’Qorshahan waxa uu u muuqdaa mid Shacabka iyo Dowlada Soomaaliya la isku tusayo , waxaana Suuqa Bakaraha lagu arkayaa dad Shiling Soomaaliga naadinaya oo sarifya wax aan jirin kuwaa oo qiimaha ka qaaday lacaga Dollarka iyagoo doonaya in Magaalada MUqdisho ka dilaacdo baahi iyo macluul dadka soo wajahda. ‘’ ayuu Yiri Gudoomiye Tarsan.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale xusay in qiima dhaca Lacagta Dollarka kaliya ee kajirto Magaalada Muqdisho ,magaalooyinka kale ee Dalkana sida Baladweyn ,Boosaaso ,iyo Galakacyo uu sarifkla sidiisii hore yahay qiimo aad u fiicana lagu sarifo.
Tarsan ayaana ku baaqay in Dowlada tilaabo ka qaado ganacsatada Jahwareerka wada ee lacagaha Shilingka Soomaaliga baqaarada ku aruursanaya kuwaa uu sheegay in ujeedkooda yahay in dad badan ee dhibtoodaan ayna ku shaqeenayaan siyaadada Al-Shabaab.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaana ugu baaqay Shacabka Magaalada Muqdisho in ee iska joojiyaan iibsashada cunooyinka iyo alaabaha dalka dibadiisa laga keeno taa baladlkeedana la isticmaalo cunooyinka dalka si cadaadis badan loo saaro ganacsatada qaska wada .
Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xili Qiimaha Sarifka Dollarka uu marayo meeshii ugu xumeed taariiqda taa oo keentay in dad badan oo markii hore noloshooda caadi aheyd hada xaalad daran ee soo foodsaarto , mana jirto Dowlada Soomaaliya waxa ee arintan ka qabatay marka laga reebo in ee ka hadleen kaliya.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
