Tolloow Sadaxdaan Maanlaawe Keebaa Ugu Daran Ayaad isleedahay (Sheeko Xikmad Culus Xambaarsan)

Saturday, March 2, 20130 comments


Sheekadaan Xikmada Culus Xambaarsan Waa Sheeko caan ka dhex ah bulshada soomaaliyeed.

Nin doob ah baa bari damcay in uu guursado gabar aad u qurux badan oo uu jeclaaday, markaas buu ka doontay waalidkeed.
  
“Gabadhayda waan ku siiyay, hasayeeshee yaradkii xeerka ahaaii keen; 10 halaad oo geel ah wax ka yarna kaa qaadan maayo.” Buu yiri gabadha aabaheed.

“Waar 10 halaad baan xooloba ka haystaa, hadii aan kuligood yarad kuu siiyo maaxnu ku noolaanaynaa aniga iyo gabadhu?” Buu yiri ninkii guurdoonka ahaa.

“Toban halaad ii keen, hadii kale heli maysid inantayda” Buu yiri aabaheed.

Ninkii 10-kii halad buu yarad u wada bixiyay, gabadhiina waa guursaday.

Dhowr sanadood ka dib baa aabihii xoolo kale u soo doontay ninkii inanta ka qabay, sida dhaqanka u ah soomaalida. Hayeeshee ninku xoolo ma haysan oo cuno uu sodogiis siiyo ma haysan.

” Aabahay baa caawa nagu soo hoydey oo cuno aanu siinana ma haynee bal wax lagu sooro na sii” Gabadhii baa sidaas ku tiri nin dabato ah oo deriskeeda ah.

“Maanta waan guulaystay oo sagaaraa (deero yar) dabinkii ii gashay; sakaarada aan qayb kaa siiyee, naa hadee…..waxii haween lagu ogaa baan kaa rabaa.” Buu yiri ninkii ugaarsadaha ahaa.

Haweenaydii diiday shuruudii ugaarsadaha, gacmo maran bayna kula noqotay gurigeedii, abaheedna waa qaday habeenkaas.
  
Subaxii dambe bay haweenaydii u timid ninkeedii, deriskii iyo aabaheed oo wada jooga oo ku tiri “Waar seddex maanlaawayaal baad tihiin, ninkaygu waa maanlaawe, maaxaa yeelay tobankii halaad ee uu xoolo ka lahaa aniga ayuu yarad iiga bixiyay.

Aabahayna waa maanlaawe, maaxaa yeelay tobankii halaad ee ninkagu xoola ka qabay yarad buu qaatay; hadana xoolo kaluu naga rabaa, isaga oo og in aanan haysan wax aanu cuno kol ay ku tahayba.

Deriskayguna waa mnaanlaawe, maxaa yeelay wuxuu doonayaa in uu qayb sakaaro ah ku helo waxa 10 halaad laga bixiyay.

hadaba akhriste newbanaadir.com waxeey ku leedahay sadaxdaas maanlaawe keebaa ugu daran ayaad isleedahay.??!!

Fikirkaagaaga hoos noogu reeb :)








_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog