Tottenham Oo White Hart Lane Ku Garaacday Arsenal, Kuna Soo Laabatay Kaalinta 3aad Ee Horyaalka. -

Monday, March 4, 20130 comments


Kooxda Tottenham ayaa guul muhim ah ka gaartay Arsenal kulankii North London derby ka dib markii ay 2-1 ku khuusiyeen ciyaar xiiso leh oo ka dhacday White Hart Lane taasoo ka saaciday inay ku soo laabtaan kaalinta 3aad ee kala sareynta horyaalka.

Furadoo ugu fiicneyd ee ciyaarta ee ugu horeysay waxaa heshay kooxda Arsenal markii Giroud uu si fiican u koontaroolay kubad baas qatar ah oo uu ka helay Areta isagoo hortaagan goolka, laakiin labalabeyntiisa ayaa keentay Vertoghen uu ku soo gaaro islamarkaana kubada ka difaacdo.

Daqiiqadii 37aad ee ciyaartana, Tottenham ayaa hogaanka qabatay markii ay faa’ideysteen daafac xumi soo wajahday Arsenal iyadoo Sigurdsson uu kubad qatar ah ku quudiyay Gareth Bale kaasoo kubada la kortagay goolhaye Szcesny islamarkaana shabaqa cusjiyay.

Waa goolkii 10aad ee Bale uu dhaliyay sideed kulan gudaheed oo uu u ciyaaray Tottenham, waana ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Wales u dhashay ee 16 gool oo Premier League ah dhaliya hal xilli ciyaareed.

Labo daqiiqo ka dibna Tottenham ayaa labeysatay, si isku mid ah inta badan goolkoodii hore ayayna u shaqeysteen. Scott Parker ayaa kubad u dhigay Aaron Lennon kaasoo ka faa’ideystay daafacyada dhexe ee Arsenal oo aanba ka war qabin halka uu taagan yahay, islamarkaana waxa uu kubada la maray goolhaye Szczesny ka hor inta uusan shabaqa faaruq ah kubada dhex dhigin.
  
Waxaana qeybtii hore ee ciyaarta ay ku soo dhamaaty 2-0 oo Tottenham ay ku hogaamineysay, islamarkaana taageerayaasha Spurs ay ku heesayeen “Arsene Wenger, waxaan dooneynaa inaad sii joog.”

Arsenal oo ayaa dardar ku soo gashay qeybtii labaad iyagoo ciyaartooda wax weyn ka bedelay, waxaan ay durbadiisa soo ceshteen gool.

Daqiiqadii 51aad ayaana Mertesacker uu kubad madax aheyd shabaqa dhex dhigay inkastoo ay ku sii dhacday Bale. Isagoo ciyaarta ka dhigay 2-1.
  
Seddex daqiiqo ka dib Arsenal ayaa ku dhawaatay inay hesho goolka barbaraha markii Jenkinson oo weerar sooq aaday uu karoos halis ah soo dhigay, ka hor inta aysan lugta la helin Wilshere ama Giroud waxaa si ciriiri ah uga soo hormaray goolhaye Lloris oo isku duubay.

Daqiiqadii 59aad ayaana Bale uu fursad dahabi ah ka qasaariyay Spurs, markii karoos fiican uu helay isagoo u baahnaa inuu goolka ku taabto, laakiin dadaalkiisii waxa ay keentay inuu dusha sarre mariyo kubada.

Spurs ayaa fursad kale oo qatar aheyd iska qasaarisay ciyaarta oo 20 daqiiqo dhiman, mar kale daafaca Arsenal ayaa isdhigtay. Lennon ayaa ka soo galay dhanka midig isagoo kubada u dhiibay Sigurdsson oo cidlo ah, kaasoo isna kubada la maray goolhaye Szczesny halkii uu shabaqa abaari lahaa waxa uu damcay inuu kubada u dhigo saaxiibkiis, laakiin waxaa dhex ka qabsaday Mertesacker.

Daqiiqadii ku xigtay daafaca Arsenal ayaa mar kale laga faa’ideystay waxaana u soo dhawaaday Defoe oo bedel ku soo galay laakiin darbadiisa waxa ay agmartay goolka.

Daqiiqadii 74aad Gareth Bale ayaa kubada ku heley xerada goolka, waxaan uu daaha ka qaaday kubad gantaal aheyd, laakiin Szczesny ayaa nasiib ku lahaa inay si toos ah ugu soo beegan tahay isagoo badbaadiyay fursadaas.

Ciyaarta oo 10 daqiiqo dhiman Ramsey ayaa u soo dhawaaday inuu Arsenal u barbareeyo ciyaarta markii uu ka soo galay dhanka bidix islamarkaana darbadii uu tuuray oo qof ku sii dhacday ay si ciriiri ah ku agmartay goolka.

Dhamaadkii ciyaarta ayaana Arsenal ay cadaadis saartay Spurs, iyadoo Podolski uu dusha sarre mariyay kubad halis aheyd oo uu ka tuuray afka hore ee xerada goolka.

Ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday kooxda martida loo ahaa, taasoo ka saaciday inay ku soo laabtay kaalinta 3aad iyagoo leh 54 dhibcood, waxaana ay 7 dhibcood ka saramareen kooxda ay haatan ka talaabsadeen ee Arsenal oo kaalinta 5aad weli baaqi ku ah.

Waxaana ay guuldarrada Arsenal ka dhigeysaa in calaamad su’aal la geliyo rajadooda ay ku soo gaari karaan koobka Champions League xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo horyaalka ay ka harsan tahay 10 kulan.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog