Shacab weeynaha dalka Turkiga ayaa ku jira farxad iyo Dabaaldeg balaaran ka dib markii la xaliyay Dagaalkii mudada dheer socday ee u dhaxeeyay Dawlada Turkiga iyo ciidamada Ururka PKK oo intooda badan ka dagaalama Buuraha iyo hoowdka kana geeysta Qaraxyo gudaha dalka Turkiga.
Magaalooyinka Cizre iyo Diyarbakir oo ay ku xoogan yihiin dadka Kurdida ah ee taageera PKK waliba aaminsan in ay ka madaxbanaan yihiin dalka Turkiga ayaa iminka waxa ay bilaabeen dabaaldeg balaaran ka dib markii uu Xabad joojin ku dhawaaqay Hogaamiyaha ururka PKK Mr.Abdullah Öcalan oo mudo 14 sano ah ku jira Xabsi.
Hogaamiyaha ururka PKK Mr.Abdullah Öcalan waxaa sanadkii 1999-kii lagu soo qabtay dalka Kenya waxaana xiligaas lagu xukumay Xabsi daa´in balse iminka Hogaamiyahaan ayaa qarka u saaran in la sii daayo ka dib markii uu Xabsiga ku booqday kana dhameeyay wada hadal Masuul lagu magacaabo Selahattin Demirtas oo hogaamiya Xisbi Siyaasadeed Qabiilka Kurdiga uu leeyahay una olaleeya dhanka Nabada .
Dagaalka u dhaxeeya Dawlada Turkiga iyo Qoowmiyada Kurdiga ayaa mudo 28 sano ah soo socday waxaana qiyaas ahaan ku geeriyootay xurgufta labada dhinac in ka badan 40.000 oo Qof.
Qoowmiyada Kurdida ku nool gudaha dalka Turkiga waa ku dhawaad 12 Milyan oo qof balse waxa ay sidoo kale ku xoogan yihiin Xuduudaha dalalka Iraaq, Iiraan,Lubnaan iyo Syria. Wada hadalka iyo Xabad joojinta u furantay Dawlada Turkiga iyo ururka PKK ayaa durbadiiba waxa uu sabab u noqday in la sii daayo 8-Qof oo Maxaabiis Turki ah kuwaas oo lagu heeystay xuduuda Turkiga uu la wadaago dalka Ciraaq.
Halkaan ka Daawo Telefishinada Caalamka oo faafiyay in uu Turkiga siyaasad ahaan Guul cusub gaaray
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com