wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya
ayaa maamullo u magacaawday degmooyin katirsan gobalka Galguduud ee bartamaha
dalka Soomaaliya xili halkaasi ee wali booqasho ku joogaan R/Wasaaraha
Xukuumada Soomaaliya iyo Qaar kamid ah Golaha Wasiirada.
Waregto kasoo baxday Xafiiska
Wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka qaranka Soomaaliya, Cabdikariim Xuseen
Guuleed, ayaa waxaa lagu magacaabay maamulada degmooyinay kamid tahay
Caabudwaaq.
Waxaa saxaafada u aqriyay wareegtada
Xildhibaan Mahad oo kamid ah mudanayaasha lasafraya R/wasaare Saacid xilli ay
kusugnaayeen degmada Caabudwaaq.
Wareegtadaan ayaa masuuliyiintii lagu
magacaabay waxaa kamid ahaa Axmad Jaamac Cabdi oo loo magacaabay Gudoomiyaha
degmada Caabudwaaq iyada oo kuxigeenkiisana loo magacaabay Cabdi Risaaq.
Daahir Maxamed xirsi ayaa isna waxaa
loo magacaabay sarkaalka dowlada Hoose u qaabishan degmada Caabudwaaq.
Wareegtadaan ayaa waxa ay timid xilli
wasiirka arimaha gudaha uu ku suganyahay gobalka Galguduud isaga oo safarka
R/wasaraha Soomaaliya uu gobalkaasi ku marayo ku wehliyo.
Xalay ayaa R/wasaaraha Soomaaliya uu
kala diray maamulkii horay uga arimi jiray degmada Caabudwaaq kadib kulan ay wada
qaateen isaga oo shaaciyay in dowlada Soomaaliya ay u magacaabi doonto maamul
kumeel gaar ah oo lix ilood shaqeeya.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com