Dhacdo Naxtin Badan Nin Muqdisho ku toogtay Nin guursaday Gabadhii uu Jeclaa xili Xaflada arooska lagu guda jiray.

Wednesday, March 6, 20130 comments


Dhawaan Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday dhacdo aad u xanuun badan dad badana aad uga arga gaxeen kadib markii Wiil dhalinyaro ah uu toogtay Nin guursaday gabar uu Jeclaa xili lagu guda jiray Xaflada Arooska.

Ninkan Dilka geestay ayaa la sheegay in uu aad uga xumaa in gabadha uu Jeclaa uu mudo lasocday in nin kale si fudud uga guursado lacag badana ku bixiyo taa oo ku kaliftay in falkan foosha xun uu ku dhaqaaqo.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in Dilku dhacay markii gabadha gurigooda laga soo galbiyay lana geeyay guri loo guuriyay halkaas oo xiliga dilku dhacayay labada lamaane is dhinac fadhiyeen kuraasta fadhiga ee loogu tala galay balse ninka gabadha jeclaa oo arooska la socday uu Bistoolad lasoo baxay dhoor xabana ku dhuftay ninkii arooska ahaa halkaana ku dhintay halka uu dhaawac iyana soo gaaray gabadhii aroosada aheed.

Goobta Xaflada ee xiligaasi kasocotay bash bash iyo farxad iyo tamashleyn ayaa mar qura isku badashay goob murugo taal iyadoona dhamaan ee kala carareen dadkii goobta kusugnaa sidaana uu ku baxsaday ninkii gacan ku dhiiglaha ahaa ee dilay ninka guursaday Gabadha uu jeclaa.

Muqdisho iyo qeybo kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliya ayaa mudooyinkan waxaa kusoo badanayay falal aad u fool xun ee sababan Maseyr iyo Jaceyl taa oo dad badan layaab kunoqotay kuna tilmaamay wax laga soo miin guuriyay dhaqamada Foosha Xun ee Reer Galbeedka iyo Filimada la daawado.









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog