Yusuf Garaad oo ka yaabay qoraal lagu hardhay Xarun Somalia ku taal (Talow maxay tahay .... bal aqriso)

Friday, March 8, 20130 comments


Wariyaha weyn ee Siyaasiga u xuubsiibtay Yusuf Garaad Cumar ayaa ka maagay Erayo lagu hardhay Xarun Ganacsi oo ku taal gudaha Somalia.

Yusuf Garaad wuxuu bogiisa Facebook ku yiri " Xafiis ku yaalla Soomaaliya oo aan dhowaan booqday ayaa waxaa ku qornaa 6 adeeg oo uu qabto oo la rabo in Soomaalida loo sheego: waxayna kala ahaayeen :Mudaaraba, Istisnaac, Mushaaraka, Muraabaxa, Beec Asalan, Ijarah. sidaas darteed Bal wax ka dheh"!

Boqolaal qof oo sheekada Comments ka bixiyay ayaa qaarkood u qaatay in Yusuf Garaad diidan yahay Carabiga wuxuuna mar uu Comments faahfaahina qoray ku yiri "Carabigu Waa luqad Muhiim ah. Sababta aan arrintaan u soo bandhigayna ma ahan in afka Carabiga diiddanahay. Laakiin meeshii la doonayo in dad Somaaliyeed oo dalkooda deggan loo so dhejiyo macluumaad loo baahan yahay in ay fahmaan afkee loogu qorayaa? Ma Af Qaalaad oo fartooda ku qoran? Waxaan Anigu is weydiiyay - erayada Meesha ku qoran Af Soomaali ma aha ee maxaa far Soomaali loogu qoray? Sow Kama sahlanaateen in Carabi uun lagu qoro?"

Kelmadahaan Yusuf Garaad ka yaabiyay ee Carabiga waxay dadka qaar sheegeen inay ku qoran yihiin Bank Islamiya oo gudaha Somalia ku yaal balse maxaa u diiday inuu Far Somali ku hardhado erayadiisa mise Somaliga ayaa noqday jaantaa rogan.

Aniga Warbixintaan qoray kelmadaha Far Somaliga lagu qoray ee Carabiga midna kama fahmin balse waxaan iska qiyaastay inay tahay Dulsaar maleh,ribbo maleh,Beec Asala.

Qof ka mida Saaxiibada Yusuf Garaad Faceboob Friends oo fasiray ayaa yiri "somali ahaan waa .. Mudaraba: =kasmaal : Musharakaha := Hanti wadaag ... Istisnac= Farsamo iibsi ;;; Ijaraha = waa Kiro Beeco Asalam= wuxuu ka waajib ku yahay beerlayda waana maalgalinta beeraha"

Hadaba kelmadaha uu xitaa qofkaan adeegsaday ayey igu adkaatay fahamkiisa oo Af Somali maaha qaarkood sida Kasmaal










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog