Wallow
dadka dunida ku nooli ay ku kala duwan yihiin dhaqanka iyo caadooyinka, hadana
waxa jira hab dhaqan ay ka siman yihiin inta badan dadka dunida ku nooli, marka
laga hadlayo sirta jacaylka. Sida ay daah fureen daraasado iyo cilmi baadhisyo
lagu sameeyay arrintani waxa la isla waafaqay inay jiraan hab dhaqano ay ka
siman yihiin ragga dunida ku nool intooda badani.
Waxana
la ogaaday inay jiraan qodobo sir ah oo aanay jeclayn raggu inay ogaadaan
dumarka ay jeclaadaan. Waxanay raggu had iyo jeer isku dayaan sidii ay uga
qarin lahaayeen qodobadaa sirta ah. Qodobadaa sirta ahi waxa ay kala yihiin:
1.
Guur hore ama xidhiidh hore: Raggu badidoodu ma jecla in dumarka ay jeclaadaan
ay ogaadaan haddii ay jiraan gabadh hore oo uu qabo ama xidhiidh ka dhaxeeyay
iyaga oo ka baqo qaba haddii ay ogaadaan dumarku arrintaa in ay caqabad ku
noqoto xidhiidhkooda jacayl ee cusub.
2.
Ubad Hore: ragga qaarkii ma door bidaan
in gabadha uu jecel yahay ay ogaato haddii ay jiraan ubad hore oo ay u dhashay
xaas hore.
3.
Dhaqaalaha: sida ay raggu u badan yihiin
raali kama noqdaan in gabadha ay jeclaadaan ay ogaato hayntooda dhaqaale inta
ay gaadhsiisan tahay iyaga oo ka cabsi qaba in duruuftooda dhaqaale ay raali ka
noqon waayaan dumarka ay jecel yihiin oo uu dhicisoobo xidhiidhkoodii jacayl ee
bilawga ahaa.
4.
Xanuun ama Dhibaato Caafimaad Darro: sida la xaqiijiyay ragga badidoodu kuma
farxaan inay ogaadaan dumarka ay jecel yihiin haddii ay jiraan xanuuno ama
dhibaato caafimaad daro oo la soo derista ragga, sababto ah waxay diidayaan
haddii ay u sheegaan in uu fashilmayo xidhiidhkooda jacayl.
5.
Da’da iyo mushaharka: Ragga qaarkood ama sida ay u badan yihiin dumarka uma
sheegaan tirada saxda ah ee mushaharka ay qaataan iyo da’dooda toona.
6.
Ubad la’aan: Haddii uu ninku soo guursado dumar hore oo aanay wax caruur ah u
dhalin uma sheegaan gabadha ay jeclaadaan in aanay wax ubad ah u dhalin
dumarkaa hore, sababtoo raggu waxa ay aaminsan yihiin in waxa keliya ee ay u
damarku u daneeyaan guurka uu yahay sida ay caruur u dhalin lahaayeen.
7.
Bedelka shaqada: sida ay raggu u badan yihiin uma sheegaan dumarka ay
jeclaadaan xaalada dhabta ah ee ka jirta goobaha ay ka shaqeeyaan mana jecla
inay dumarku ogaadaan haddii uu ninkaasi damacsan yahay in uu ka tago shaqada
ama uu ka badasho, umana sheegaaan ilaa ay fuliyaan.
8.
Qirashada jiritaanka Raga ay saaxiibad yihiin: ragga wax jeceli ma jecla in ay
ogaadaan dumarka ay jecel yihiin muqaalka iyo magacyada ragga ay saaxiibka
yihiin, maxaa yeelay waxay wadnaha farta kaga hayaan in haddii ay saaxiibadood
ay ogaadaan xidhiidhkooda jacayl inay ku kiciyaan mawjado hafiya jacaylkooda.
9.
Cadhada iyo rabashka badan: raggu waxa ay isku dayaan in ay ka qariyaan dumarka
ay jeclaadaan dabeecad xumada, rabashka iyo cadhada si aanay u galaafan
saamayna ugu yeelan barashada geedi socodka jacaylkooda cusub.
10.
Iinta: sida la wada og yahay qof waliba
wuu yaqaanaa iintiisa laakiin wuxu isku dayaa in uu ka qariyo dadka kale. Ragga wax jeceli ma
aqbalaan in ay ogaato gabadha ay jecel yihiin.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com