Hadaba Cilmi-baaris cilmi-nafsi ah oo laga qaaday dad aad u tiro badan, ayaa
lagu xaqiijiyey in raggu jecel yihiin in la ixtiraamo oo ay magac iyo maamuus
ku yeeshaan dunida guudkeeda, halka dumarkuna aad uga helaan in la jeclaado oo
raggu ku mashquulaan daawashada quruxdooda.
Emerson
Eggarichs Buug uu qoray qoraaga oo la yidhaa ,Jacayl iyo Ixtiraam (Love and
Respect), ayaa hore loogu shaaciyey in dumarku jacaylka ugu baahan yihiin siday
hawada ugu nool yihiin, halka ragguna u baahan yihiin ixtiraam dheer.
Lakin
Daraasadda buuggan oo 400 nin lagu waydiiyey jacaylka iyo ixtiraamka midka ay
door-bidaan, waxay 74% ka mid ah tilmaameen inuu jacaylka uga qiimo badan yahay
inay noqdaan qaar la ixtiraamo oo bulshadu si weyn u karaameeyaan ama
xiiseyaan.
Sido
Kale Haween tiradaas oo kale ah oo iyagana dhankooda xog-ururinta dookhooda
nololeed, ayaa sheegay in ixtiraamka ay ka door-bideen inay helaan lammaane
jecel, waxaannu qoraaga buuggani hoosta ka xarriiqay in dumarku jacaylka u
baahan yihiin siday qaadashada hawada ugu baahan yihiin.
Geeska
Kale
Daraasado
kale oo iyagana laga fuliyey gudaha dalka Maraykanka, ayaa iftiimiyey in raggu
aad u jecel yihiin magaca weyn iyo lacagta, halka dumarkuna inta badan ku
hamiyaan inay helaan nin aad u jecel.
Ugu
danbeeyntii Marka buuggan iyo daraasadahan la isku eego waxa soo baxday in
raggu aad u jecel yihiin sharaf iyo karaamo bulshadu ku qadariso, haweenkuna
wax kasta ka door-bidaan inay helaan sida aad u jecel oo noloshooda macaanteeda
una hantaan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com