Ninkii asaasay shabakada lagu bulsheeyo ee Facebook Mark Zuckerberg ayaa
shaaciyey xisbi siyaasadeed cusub oo la magac baxay (Forward Us) oo ka dhigey
(Hore Usocod) waxaana kula jira xisbiga hogaamiyeyaal kale oo siyaasadeed
deegaanka Silicon Valley ee dalka Maraykanka.
Xisbiga
ayaa waxa uu u ololeynayaa in wax laga badalo qaanuunka muhaajiriinta ee dalka
Maraykanka si ay suurogal u noqoto in 11 malyuun oo qof oo dalkaasi sharci
darro ugu nool ay sharci u helaan.
Waxaa
kale oo xisbigani u ololeyn doonaa sare u qaadista waxbarashada iyo sidoo kale
curinta iyo seeyniska.
“Isbadal
la taaban karo oo xaga muhaajiriinta waxa uu ka bilaambaa koontarool xuduudaha
oo rasmi ah, waxayna keeneysaa dariiq loo maro muwaadhanimada, iyadoo noosoo
jiideysa dadka ugu kartida badan aduunka in ay noo yimaadaan iyada oo aanan loo
eegeynin halka ay aduunka kaga dhasheen” ayuu yiri agaasimaha Facebook.
Horey
shirkadaha Microsof iyo Google iyo waliba duqa magaalada New York ayaa dabada
ka riixayay in dadka xirfadlayaasha ah ee ajaaniibta ah fursad loo siiyo in ay
dalka ka shaqeeyaan.
Dalka
Maraykanka waxaa ka taagan dood ku saabsan sida laga yeelayo malaayiin
muhaajiriin ah oo sharci darro dalkaasi ugu dhaqan.
Shabakada
Facebook waxa ay ahayd tii Barack Obama ka caawisey in uu ku guuleysto
madaxweynenimada Maraykanka sanadkii 2008-dii, olole kasta oo halkana laga
abaabulana waxaa loo arkaa mid mirodhal noqon kara.
Iskaashatooyin
waaweyn oo dalka Maraykanka ayaa taageeraya mashruucan cusub ee Facebook ku
dhaqaaqday.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com