Arday ku shook tay Macalinkoodii oo si xun ugu hor geeriyooday + Sawiro

Wednesday, April 3, 20130 comments


Jonathan Taylor, Waa macalin kamid ah macalimiinta wax ka dhiga iskuul ku yaala wadanka Austria , waana 44 sono jir dhiga maadada IT 9 (Information Technology ) waxaa uu ka soo dhacay darbi dhererkiisu dhan yahay 12ft, waxaana markii ay dhibaatadasi dhacaysay ay isaga , darawalkii baskii dalxiiska ardayda iyo sadex kale booqanayeen baar kamid ah kuwa khamriga lagu cabo iyagoo halkaasina u tagay si ay horjoogoyaal ugu noqdaan arday kamid ah kuwii uu macalinka u ahaa.

Macalinka ayaa dhintay maalintii koowad ee fasaxa ciyaaraha Skiing ka loo yaqaano oo ah Ciyaar ulo alwaax ka samaysan lagula ordo barafka korkiisa , waxaana macalin Jonathan Taylor, oo ka soo dhacay halka ugu koreeysa darbi dheer oo 12 ft ah uu wadada ugu soo dhacay madax madax.

Isaga iyo afarta kale waxaa ay ulugaynayeen guryahooda sadexdii galabnimo ee shalay kolkaasi oo uu Macalinka dhiga maadada Computer ku uu taraaturooda kadibna uu dhacay , Afhayeen u hadlay booliiska magaalada Matrei oo ku taala bariga gobolka Tyrol ee wadanka Austria ayaa sheegay in Mr Jonathan Taylor, uu ugu danbayeeyay kooxdii ay wada socdeen .

Waxaa ay ku lugeeynayeen dhabe ama wado yar oo ka sareeysa jid wayn kadibna waxaa uu ka soo dhacay meel qar ah oo ahayd darbi dheer oo dhagax ka samaysan, islamarkiina waa uu dhintay sida laga soo xigtay kalkaaliyayaal caafimaad oo joogay cisbitaaal ku yaala magaalada Matrei.

Mr Taylor waxaa uu ahaa xaasle u shaqaynayay iskuul lagu magacaabo King School oo ku yaala Arnold, Nottinghanshire, muddo hal sano ah iyadoo la rumaysanyahay in xaaskiisu ay lahayd uur oo la filayay in ay dhawaan cunug u dhasho. Gudoomiyaha Gobolka uu iskuulku kuyaala David Wilson ayaa sheegay in Maamulaha Iskuulka, Carlo Cuomo, uu u duulay Austria si uu dib ugu soo celiyo kooxdii ardada ahayd ee ka koobnayd 48 ruux da, dooduna u dhaxaysay 14-15 guryahooda.

Ardadadii uu macalinku ka geeriyooday ayaa uga hadashay boggooda Tweeter ka wax yaabihii ay ku yaqaaneen macalinka iyagoo waliba shooksan , waxaana mid kamid ah uu yiri’’ waa wax aad u xun oo laga naxo , mid kale ayaa yiri’’ waxaa uu ahaa macalin soo jiidasho leh islamarkaana xushmad badan.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog