Cali Xasan Cali waa Wiil 11-Sano jir Dhibane ah lana xanuunsaya dhibaatooyin ay ugu horeeso in uusan Wiilkaasi laheyn Xubinta Taranka ee Raga taa badalkeeda uu halkaasi kaga yaalo nabar Buro oo kale ah oo xanuun iyo dhbaatooyin kalaba ku haya.
Wiilkan yar ayaan ceshan Karin Kaadida waxa ayna kasocotaa barta Nabarka uu kaga yaalo waxa uuna Aabahiis oo lagu Magacaabo Xasan Cali uu sheegay in Wiilkan dhibaatadan uu ku dhisay noloshiisana uu sidan ahaa.
Aabe Xasan ayaana sheegay in ay kunool yihiin Baadiyaha Deegaanka Lafoole marar badana uu Wiilkiisa usoo qaaday Magaalada muqdisho si uu u geeyo goobaha Caafimaadka balse uu ka quustay in ay wax ka qabtaan Xaalada wiilkiisa uu xitaa u geeyay Dhaqaatiirta iyo Hay’adaha ajnabiga ah ee kahowlgala Magaalada Muqdisho.
Aabahan ayaana xusay in Wiiliisa uusan kaadida Ceshan Karin xili kasta ay kaadidu ka dureerto taasi uu sheegay in ay kamid tahay dhibaatada Wiilkiisa ka heesata xubinta taranka oo ugu taala Wiilkaasi nabar ahaan noloshiisana la xanuunsanayay.
Aabahan Soomaaliyeed ayaana umada Islaam gaar ahaan kuwa Muxsiniinta ah meel kasto ay dunida ka joogaan ka cosdaya in ay gacan kasiiyaan sidii uu Wiilkiisa u heli lahaa Daaweyn iyo dhaqaatiir dibada isagoona Xusay in Qoyskiisa ay yihiin dad Reer Baadiyo ah aan waxbo heesan.
Xiligii aan booqaneenay Wiilkan yar ee dhibanaha ah ayaa waxaa ka muuqanayay xaalad naxtin leh iyadoona kaadida ay kasocotay wax war ahna uusan u heyn kaadida kasocota sidoo kale aan indhaha loo dhameestiri Karin xubintiisa taranka dhibka ka heesta.
Hadaba Hadii aad Dooneyso in aad Caawiso Walalakan Muslimka ah ee Soomaaliyeed kala Xariir.
Aabaha Wiilkan Xasan Cali Cilm oo laga helo
Tell-252615040653
Hadaba Hadii aad Dooneyso in aad Caawiso Walalakan Muslimka ah ee Soomaaliyeed kala Xariir.
Aabaha Wiilkan Xasan Cali Cilm oo laga helo
Tell-252615040653
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com