Cawaale Aadan - Oo U Heesay Xamar lyrics + Video

Saturday, April 6, 20130 comments


Caasimad mugweynoo, 
miisaankeedu culus yahay, 
meel wacan ku taaloo , 
muuqdeedu dheeryahay, 
madaxii dalkeeniyo, 
muraayadiisiiba tahay ,
xamar kaama maarmoo,
muruqaan ku faaniyo, 
garabkeygii midigey, 
meelbey bugtee muqdishooy, 
Mowlaan baryee muqdishooy,
 magacaadii dheeraa muqdishooy mar soo celi . 
muqdishooy, 
muqdisho.
Marinkii dalxiiskee,
ee jasiira loo maro, 
jubba milcsikeeidiyo, 
muusigii curruubiyo, 
marinkiii afgooyee, 
canbaha iyo mooskiyo, 
meel kastaba yaalaan,
ku mashquulsanahayoo, 
wali aan ku maqanahay, 
meelbey bugtee muqdishooy, 
Mowlaan baryaye muqdishooy, 
magacaadii dheeraa muqdishooy mar’uun soo celi . 
muqdishooy, muqdisho.

 Cawaale iyo dhamaan intii gacan ka geystay soo saarista heesta aan u mahadcelino.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog