DAAWO Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu soo eedeeyey inay kufsadeen gabar u dhalatay Dalka Talyaaniga oo la ...

Saturday, April 6, 20130 comments


Booliisa dalka Malta ayaa waxaa la sheegay inay xabsiga dhigeen laba dhalinyaro Soomaali ah oo lagu soo eedeeyey inay kufsadeen ama ay xoogeen gabar u dhalatay dalka Talyaaniga oo ku nool dalkaas Malta.

Labadanaa dhalinyarada Soomaalida oo lagu kala magacaabo Cabdiraxman Abukar iyo Liban Moxamoud oo labadaba 26 sano jir ah kuna nool magaalada Floriana ee dalka Malta ayaa waxaa la sheegay inay dhawaantaan ay qafaasheen gabar dhalinyaro oo 21 sano jir ah una dhalatey dalka Talyaaniga laakiinse ku nool magaalada Valletta ee caasimada dalka Malta, gabadhaan ayaa waxay booliiska u sheegtay inay dhalinyarada Soomaaliyeed xoogeen islamarkaana ay xoog ku heysteen oo ayna ka dhaceen teleefoonkeedii gacanta, Sidoo kale ayaa Liibaan waxaa si gaar ah loogu eedeeyey inuu baabuur watey asagoo aan heysan warqada ruqsada baabuur ka xeynta ama leysinka baabuur kaxeynta, halka Ninka lagu magacaabo Cabdiraxmaan asagana si gooni ah loogu eedeey inuu mar kale galay dambi ah xoogid ama kufsasho oo mar hore ay maxkamad hore ugu heshay dambigaas ahaa inuu wax kufsaday. Labadaan nin oo ay dacwadoodu dhageysatay maxkamada ayaa iyagu dafirey inay galeen dembigaas lagu soo eedeeyey.

Ugu dambeyntiina iyadoo labadaas nin ee Soomaalida ay maxkamadu amartey in xabsiga la dhigo oo ayna diiday in damiin lagu sii daayo ayaa waxaa kale oo ka biya diiday in damiin lagu sii daayo sarkaalad u hadashay booliiska dalka Malta oo lagu magacaabo Yvonne Farrugia oo sheegtay inay jiraan marqaatiyaal dhowr ah oo ku cadeeyey nimankaas inay geysteen falkaas lagu soo eedeey, 

Haweeneydii qaadaysay maxkamadaas oo lagu magacaabo Neville Camilleri ayaa sido kale amartey in xabsiga la dhigo iyadoo sidoo kale amar ku bixisay in ninka lagu magacaabo Cabdiraxmaan oo ah nin xanuunsan oo ay caloosha tuubo kaga jirto islamarkaana lagu wado ama lagu riixo gaari in loo fududeeyo oo la siiyo wixii uu daawo ahaan u qaadan jirey, Sidoo kale ayey maxkamadu waxayku xukuntay hal sano oo xarig ah nin kale oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Axmed Cumar oo 34 sano jir ah kaa oo ku eedeysnaa inuu iibsaday teleefoonkii laga xaday gabadhaas Talyaaniga ah asagoona dib u soo celiyey teleefoonkaas laga xaday gabadhaas.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog