Waxaa dib usoo kabanaya bilicdii quruxda badneyd ee
goobaha loo dalxiis tagi jiray ee magaalada Muqdisho iyo Hotelada, kadib markii ay si tartiib tartiib ah usoo
laabtay amaanka caasimada.
Wixii ka dambeeyay markii magaalada Muqdisho laga saaray
Al Shabaab islamarkaana ay ciidamada dowladu wax muuqda ka qabteen
Amaanka caasimada ayaa waxaa si tartiib tartiib ah usoo laabanayay noloshii
dadka iyo bilicdii caasimada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho waxaa dib ugu soo laabtay qurba joog
farabadan iyo ganacsato iyagu maalgashi ku sameeyay magaalada, waxaana
indhahaagu qabanayaan dhismayaal aad u quruxbadan oo isugu jira Hotelo iyo
Maqaayado, iyadoo xeebaha dalxiiska ee Liido iyo Jasiirana ay aad u camirmeen
islamarkaana laga furay Hoteelo iyo maqaayado ay isugu yimaadaan dadweeyne aad
u farabadan.
Isbedel aad u weyn ayaa ka muqda Muqdisho iyadoo ay ka
socdaan dhismayaal farabadan oo cusub iyo kuwo dib loo dayactirayo, iyadoo
sidoo kale dhismuhu ka socdo hareeraha wadooyinka Laamiga ama Marshabiyeediga.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com