Nin Caruus Ah Oo Garaacay Xaaskiisa Habeenkii Aqal Galka, SABAB? Akhri dhacda layaab leh.

Friday, April 19, 20130 comments


Ma jajab mise jaceyl? Nin Caruus ah ayaa xaaskiisa cagaar iyo casaan ka dhigay siduu u garaacayay isla habeenkii dadab galka.

Ninkaan ayaa sababta ku sheegaya inay sidaa soo fartay habar shariirad ah oo isaga dhashay oo dhegta ugu sheegta.

Hooyada dhashay ninkaan ayaa si sir ugu tiri wiilkeeda:  Heedhe walaalahaa ayay naagigii ku kibreene, midan goomanka ka madoobee isla caawa si ay kaaga dambayso”. Ninkaan oo la joogo xiligii uu la gali lahaa  gurigii ayaa islaantiisii cusbayd 3 dharbaaxsho  uga nixiyay, gabadhiina jawaab gacan ka hadal ah ayay bixisay.

Ninkaan oo ah  doqon xoog lehe, ayaa bir kasoo qaatay jikada, isagoo caruusadii garaacayay ilaa ay ka miir beesho, kadibna wuxuu u yeeray waalidkeed oo iyaguna markii ay goobta yimaadeen la kulmay gabadhoodiii oo ku dhex jirta taaj markii hore cadaanimo u dhashay balse markan la casaaday dhiiga gabadhooda.

Oogu dambeyntii   qoyska gabadha oo waxa dhacay qaadan la’  ayay weceen booliis gabadhoodiina waxay u qaadeen isbitaal iyadoo ka jaban lafta madaxa iyo sisinta.










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog