Daawo Hani UK oo Hees Dareen leh soo Qaaday ( VIDEO+Layrics )

Friday, April 5, 20130 comments


Daawo Hani UK oo Hees Dareen leh soo Qaaday ( VIDEO+Layrics )

Fanaanada Hani Uk oo soo saartay Muuqaal Cusub kaasoo durbaba soo jiitay Indhaha Daawadaha iyadoona markani fanaanadu kasoo dhex muuqanayso Labaataneyda gabdhood ee Fanka kuwada loolamaya.

Heeskani Macaan oo loogu magac daray KU HAY HAY ayaa ereyada aadka u macaan waxaa curiyey Abwaan Hurfe Cali Qaylo iyadoona laxanka saaray Mustaf TT oo inta Fanaaniinta yurub ka caawiya Laxanka , Sidoo kale Muusikada macaan waxaa tumay Muusiishinka weyn Mustafa Karama.

Mudooyinkii ugu danbeeyey waxa ay Soomaalidu noqdeen kuwa dhinac ka cariirsada Soo saarista muuqaalo tayo leh iyadoona muuqaalkani macaan aad ugu Fara yareysteen Abdinasir Cirro iyo Yusuf Garabey waana soo Saaristii Injireenka da’ada yar Abdinasir Cirro oo aalaba looga bartay Hagista Fanaaniinta Cusub.

Heeskani waa mid aanan dheguhu ka daalin Aragtida iskaba daaye Fanaanadu waxa ay ku cataabaysaa ,

Markaan ladi waayay jiif
Adigu leylkii maxaad
Ladnaanta u Seexataa

Laqdabada lama weheshadee
Lilaahi ani waxaan rabaa
Hurdada igu lamaansanoow
Qalbiga ku lamaansanoow
Gacmaha laabteyda saaroo
Kuhaay ku haay
Ku haay Meeshaan la rabo.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog