Daawo Muqaalka:Buug laga sameyay magalada mugadisho shalay iyo maanta ……….

Tuesday, April 30, 20130 comments

Munaasabadda maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ujeedkeedu ahaa soo bandhigista Buug cusub oo ka hadlay xaaladihii Muqdisho ay soo martay ayadoo cinwaana looga dhigay “Muqdisho shalay iyo maanta”.

Soo bandhiga Buuggan waxaa goob joog ka ahaa wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Mahdi Maxamed Cali, wasiirka Qeyraadka, C/risaaq Cumar Maxamed, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Buugani oo ay qoreen qorayaal Ajaanib ah una dhashay dalka Kenya ayaa ujeedkiisu ah sidii dadka Soomaalida ah ay u fahmilahaayeen ahmida ay leedahay dib u soo nooleynta bilicdii Caasimada dalka.

Sidoo kale wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo Amaanka Qaranka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Cali ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay gartaan wanaagii Muqdisho lagu yaqiinay.

Goobta waxaa lagu soo bandhigay Boorar ay ku qornaa muuqaalada goobaha caanka ah ee Muqdisho , sida xaruuntii hore ee Baarlamanka, Hotel curubo, Sayidka, Xaawo Taako, Axmed Gureey iyo kuwo kale maadaama Taariikhda fog ee Soomaaliya uu ka hadlayay buuga.






_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog