Daawo Video: Nin Laga Soo Tarxiilay Sucuudiga Kadib Markii Dumarkii Oo Dhan Ay Wada Caashaqeen Oo Meel Uu Ka Maro Waayay

Tuesday, April 30, 20130 comments

Aduunkaan aan ku noolnahay ayaa waxaa dhaca wax yaabo la yaableh. Arin cajiib ah ayaa ka dhacday boqortooyada Sucuudiga taasoo ah in nin laga soo tarxiilay wadankaasi kadib markii dumarkii oo dhan wada caashaqeen oo uu meel uu ka maro waayay.

Sida ay qortay jariirada Jezebel  ninkaan ayaa madaxda Sucuudiguu ka baqeen inuu fidneeyo oo ay isku dagaalaan dumarku madaama haween badan ay ka heleen. Ninkaan oo magaciisa la yiraahdo Cumar Borqan Al-gala ayaa u dhashay wadanka Isu Taga Imaaraadka.
  
Cumar ayaa noqonaya qofkii Saddexaad ee Sucuudiga loga tarxiilo qurux awgeed. Cumar ayaa ah Soo Saare film, Matale, iyo Kaamarayste waxaana uu ka shaqeysanayay Sucuudiga halkaasoo laga soo tarxiilay dibna loogu celiyay Dubai.

Ninkaan ayaa markuu bogiisa facebook ku shaaciyay arinkaan waxaa ra’yigooda ka dhiibtay kumaanaan dumar Sucuudiyaan kuwaasoo amaanayay ninkaan quruxdiisa gaar ahaan indhahiisa waxayna cambareeyeen tarxiilitaanka ninkaan.








_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog