Daawo Ninkii Sameeyay Filimkii Lagu Caynayay Islaamka Oo Ku Dhex Ooynaya Masjidka Nabiga CSW

Tuesday, April 23, 20130 comments


Ninkii ka danbeeyay filim loogu gafay diinta islaamka, gaar ahaan Nabiga suuban NNKH ayaa lagu soo waramaya inuu islaamay.

Ninkaan oo lagu magacabaa Arnaud Fandor una dhashay dalka Holland ayaa ahaa soo saariihii filimkii foosha xumaa ee lagu gafay diinteena islaamka. Ninkaan ayaa la sheegayaa inuu soo islaamay. Fandor ayaa markuu arkay dadka muslimiintiinu sida diintooda ugu adagyihiin iyo sida u difaacayaan waxaa uu baaritiin iyo barasho kuu sameeyay diinta islaamka isagoo ugu dambeyntiina goo’aansaday inuu islaamo.

Filimka ninkaan wax kasoo saaray waxaa sameyntiiska qeyb ka qaatay xisbiga xurriyadda garabka midig ee dalka Holland, kaasoo Arnaud Fandor uu ka tirsanaa, waxaana filimkaas caro weyn ka dhaliyey dunida Islaamka.

Ninkaan ayaa tilmaamay in markii uu warkay sida Muslimiintu u jelceyihiin Nabi Muxamed SCW uu bilaabay inuu ka ag dhawaado Muslimiinta dalka Holland si uu wax uga barto xaqiiqada Islaamka, mudo kadibna uu go’aansaday inuu Islaamka qaato.



Hoos ka daawo sawirada ninkaan oo ku dhex ooynaya masaajidka Nabiga CSW:














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog