Dhacdo
naxdin iyo murugo badan ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday magaalada
Hargeysa ee maamulka Soomaaliland ka dib markii magaaladaas ay 28 nin ay
haweeney ku kufsadeen.
Dhacdadaan
murugada iyo argagax leh ayaa waxaa la sheegay inay qabsatey haweeney ku nool
magaalada Hargeysa ka dib markii 28 nin ay haweeney ku kufsadeen oo ayna ku
xoogeen magaaladaas haweeneydaas oo sida la sheegay ka soo rawaxday shaqadeeda
xilliga ay u gacan gashay ragaas cawaanta ah ayaa mudo ku heystay goobtaas ay
ku xoogeen, haweeneydaas ayaa waxaa la sheegay inay saf ka galeen ragaasi oo
ayna isku bad badaleen ragaas oo laga sheegay inay ciyaartooy ahaayeen oo meel
cidla ahna ay ka heLeen haweeneydaas masaakiinta ah ee ka timid shaqadeeda.
Ugu
dambeyntiina iyadoo arintaan ay tahay mid laga xumaado ayaa waxgarad ka soo
jeedo degaanada maamulka Soomaaliland waxay baaq u direen dowlada maamulkaas oo
ayna ka codsadeen inay arintaas si deg deg ah ay wax uga qabato islamarkaana
ragii geystay falkaas la horkeeno sharciga, Maamulka Soomaaliland oo ku faano
inay wax weyn ka qabteen amaanka degaanada ay ka taliyaan ayaa arintani ay
tahay mid muujinayso inaysan wax weyn ka qaban arimaha amaanka ee deegaanadaas
hadiiba ay suuro gali karto falalkaas cawaanimada ah ee noocaas oo kale ah oo
dhibka weyn loogu geysanaayo haween aan waxba galabsan.
Daawo Muuqaal Dhacdada Kufsiga ah ee loo Geestay haweeneyda
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com