Waxaan
Halkaan Asxaabey idinkugu soo gudbineynaa Qodobo aan isleenahay ugu yaraan waxa
ay xal u noqon karaan hadii ay kula soo gudboonadaan Mushkilado iyo
Dhibaatooyin ku gaar ah aana filayo in ay kugu adkeyn xalintooda ama jidkii aad
u mari laheed.
1.
Mushkiladu waa dhibaato iyo caqabad aad rabtid in aad ka gudubto.
Asalka
nolosha waa Daal iyo dhibaato, aduunkana lagama helayo qof aaney soo wajahin
caqabado iyo mushkilado,
2.
Dadka marka loo eego sida ay uwajahaan mushkiladaha waa ay kala gadisantahay
kuwaa ayaa ka guulaysta dhibaatooyinka soo wajaha oo si wanaagsan u xaliya
kuwana waa ay ku adkaataa, qaarna waa ay isu dhibaan dhibaata soo food sartay
kaana waa caajislow, ugu danbeytana waa uu quustaa hase ahaatee waa ogyahay in
mushkiladi haysato, mana yaqaano xalkeeeda, Waxaa jira qaar kale oo ay soo food
saartay dhibaato ama mushkilada oo aan ogayn waxa hayo, waana uu isku dayaa in
uu xaliyo dhibaatada soowajahday hase ahaatee majoogtaynayo xalkiisa.
3.
Macnahuna ma ahan in aad Xal oo kaliya in aad raaadiso shareecada islaamkana waxaa
ay latimid qabab farabadan oo aad ku xalin karto dhibaatadaada.
4.
Nolosha muslimka ma ahan shar oo kaliya waxaana laga maarmaan ah in ay lahaato
qeyr wajigay rabtaba ha ahatee, waxaana ka mid ah (maxabatu laahi, istiqfaar in
aad dareentid nimcada alle kugu galadeestay, in aad garato xaqiqada aduunyada,
ka caado dhigo in aad sheegto waxyaabaha wanaaga ah, ku qancid wixii allah uu
kuu qoray ee ku soogaara, waxaa kale oo muhiim ah in aad barato nolosha dadka
kugu heeran iyo in aad baarto rabitaanadooda, si aad u hanato .
5.
mushlida iyo caqabada waxaad ku xalin kartaa waaya aragnimo iyo khibrad lagu
daray iimaan iyo xiriir wanaagsan oo kala dhaxeeya bulshada inteeda kale, maxaa
yeelay bani`adamku waa bulshawi qof kaligiis noolna majiro.
Qodobadan
Raac si aad Uxaliso dhibaatoyinka ku soo Gudboonada
1-
Hadey mushkilad ku hayso: marka hore waa in aad ogtahay dhibaatada ku soo
wajahday oo aad fahansan tahay taarikhdeeda goorma ayey bilaabatay maxaa u
sabab ah iwm, hana u malaynin inaad adiga oo kaliya garan karto dhibaatadaada
oo dhan ama aad horay ka fahmi karto waxaa laga yaabaa in aad si tartiib
tartiib ah u dareento.
2-
Baadi goob xalka ugu wanaagsan: marka aad ogaatid mushkilada waa in aad udag
dagtaa sidii aad u xalin lahey raadi xalka aad isleedahay waa ugu haboonyahay
xalka hadi aadan si dagdag ah uga gaari Karin isku day in aad si tartiib
tartiib ah ujoojiso si aad ula qabsato siyaasadada cusub, kuna dheeh istiqfaar
iyo alla kacabsi si aadan markale kugu soo laaban iyada oo kale .
3-
Dooro xalka aad isleedahay waa ugu wanaagsanyahay marka aad latashato dadka oo
aad hesho fikiro iyo talooyin farabadan.
4
-Mowduucyada aad ku xalinaysid dhibaatooyinkaaga dhig meesha ay ku haboonyihiin
oo sida ay isu leeyihiin u isticmaal, una kala hor mari sida ay ukala
Muhiimsanyihiin.
5-
Hadii xalinta dhibaatooyinka ku soo food saara ( ugu horeyn xadey dhibaatada,
aruuri macluumaadka laxiriira, markaa ka dib uhel waxyaabihii aad ku badalan
laheeyd, kadibna dooro badalka ugu wanaagsan , ugu danbeyntina ku xali sida ugu
wanaagsan iyo meesha ay quseyso).
6
-Mushkiladaha waa ay kala gadisan yahin qaarbaa ah kuwa quseeya ruux kaliya, qaarna
waxaa ay ka dhaxeeyaan laba ruux, kuwana waa jamac oo wada taabanaya dad
farabadan, mid kasta oo ka mid ah waxa ay leeyahay xal ugar ah.
7
-Xalka Mushkilada Kooxda waxaa ay u baahantahay hogaamiye, waana in si qota
dheer looga baaraandagaa xalka laga qadanayo, Ruuxa hogaan ka loo doranayo waa
in lasiiyaa talo wanaagsan, waxaana laga maarmaan ah in si qota dheer looga
baaraandago mushkiladaha guud inta aysan weynaan.
8
-Dajiso qorshe wanaagsan oo aad u raacdo sidii aad uga taqalusi laheyd
dhibaatada ku so wajahday, waxa suura gal ah in aad hesho markaa jawi aad ku
neefsato oo aad uga baxdo mushkiladii,.
W/D Gacal Xuseen Gacal Ayman
Wariyaha Arimaha Bulshada
Aymancade@hotmail.com
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com