Maxay
lamaanayaal badan uga go`aan wada sheekeysiga iyo xariirka xilli ay hal qol ku
wada jiraan ? suura gal ma tahay in eryada ninka ka imaanaya isaga oo aan ogeyn
in ay saameyn xun ku reebaan haweeneyda oo ay dilaan dareemaheeda ? hadaba
erayadaan iska ilaali dareemaha haweeneyda ayay dilayaan .
*
Adiga Waad Ka Bad Badineysaa : Ogoow haweenka waxa ay leeyihiin caadifad iyo
naxariis dabiici ah taas oo keeneysa in dareemahooda noqdaan kuwo ka bad badis
ah ninyahoow halka aad ka dhihi laheyd waad ka bad badineysaa waxaad is
ticmaashaa waan fahmayaa waxa ad dareemeysid .
*
Culeyskaada Waa Uu Kordhay : marka la joogo arintaan , haweenka aad ayay u
neceb yihiin in ay raggooda ka maqlaan jumaladaas , waxa ay jumladas u
turjumanayaan inta badan in quruxdooda ay dhamaatay oo ay zuushay ,waxa ayna
taasi ku keeneysaa in ay si xooggan uga shaqeyso sidii ay kasban laheyd ku
qanacsanaanta ninkeeda taasina waxaa ka dhalanaya in aysan dareemin wax raaxo
ah gaar ahaan marka ay wada cunteynayaan.
*
Maxay Tahay Madax Adeegnimadaan Halka .. : qoys waliba dabeecado gaar ah yuu
leeyahay , haddii ay jiraan dhibaatooyin waxaa muhiim ah in aad xaliso mana aha
wax muhiim ah in arinta ku xaliso adiga oo la bar bar dhigaya dad aad wada
garaneysaan , guriga si tar tiib ah ayuu u dumayaa marka wax xalinta noqoto in
qoys kale lagu bar bar dhigo , haweeneyda waligeed ma ogalaaneyso ayay newbanaadir.com ku leedahay in ninkeeda uu la bar bar dhigo haweeney kale xitta
haddii ay tahay walaasheed , hadaba ninyahoow aan xariifka ahayen arintaan il
gaar ah isaga yeelo oo macaantaada niyadda haka jibin.
*
Aan Kaa Nafiso : Ceeb ma ah in ninka kaligiis waqti uu qaato balse haweeneyda
ma jecla in ninka eryagaas ka maqasho maxaa yeelay waxa uu ku qasbayaa in ay ka
fikirto waxa ninka ku dhacay iyo in ay jirto haweeney kale oo mashquulineysa ,
waxa yna maskaxda ka buuxsaneysaa in dhibaatada ninkeeda kala dhex aloosan
aysan laheyn xal ninayhoow sharafta leh hadii aad dooneyso in waqti kuu gaar ah
aad ku qaadato banaanka u sheeg lamaantaada sabata aad ugu baahan tahay
arintaas si ay u dareento deganaasho oo ay neefta uga soo fuqdo ogoow haweenka
waa caruur .
*
Adiga Si Ayaad U Qalafsan Tahay : haddii ninyahoow eraygaan uu kaa soo yeero
waxa ay u qaadaneysa mid xanuunsan oo qabta xanuunada nafsiyanka ah kana
dhigeysa in ay soo deyneyso fikrado qalafsan oo aan isu dheeli tirneyn taasina
xanaaq ayay ku keenysa, ogoow naceyb ayay ku qaadeysaa kullamaa aad erayagaas u
adeegsto ninyahoow .
*
Qoyskeyga Kuma Jecla : Xittaa haddii ay sax tahay iska indha tir oo waligaa ha
sheegin oo haku dhihin arintaas ee ninyahoow waxaad xoogga saartaa sidii aad
isugu soo dhaweyn laheyd labada dhinac halka aad u bandhigi laheyd in qoyskaada
aysan jaceyleyn iyada.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com