Midabka soomaalida waa mid kamid ah midabada ugu quruxda badan calamka waxaa looyaqaanaa dahabi oo uma foolxuma soomaalidu sida dadbadan oo u dhashay wadamo ku yaala qaarada afrika.
Gabdhaha soomaaliyeed intooda badan qalad ayeey ka galeen soomaalinimada kadib markii ay gabi ahaanba iska tirtireen astaantaasi aan kor ku soo xusnay ee ah midabka madoowga ah ee bir briqaaya.
Awal waxaa la isku arki jiray meelaha lagu kulmo balse hada internet-ka ayaa noqoday meel maalinkasta la’isku arki karo gaar ahaan shabakada facebook-ga, bal u fiirso inta gabr soomali ah ee isticmaasha mid madoow kuma jirto marka laga reebo laba iyo sadex sida ilaahey u abuuray wali ah.
Waxaa jira gabdho badan oo cuqdad qaba taasoo ah in hadii ay sawirkooda soo saartaan ay foolxumo Noqonayaan maadaama ay madowyihiin taasoo ah nasiibdaro heysata gabdheheena markaasna ay iskuqasabto in ay soo xado sawir gabar kale oo is dhaqday, ama ay soosaarato sawirada gabdhaha jila aflaamta ama fanaaniinta caanka ah.
Kalsoonidu waa shey qaali ah midabka labadlana waxaa ka dhalan kara cuduro badan oo xaga jirka ah.
Dhinaca kale wiilasha isticmaala facebook-ga ayaa ka hela indhahana ku nuursada sawirada gabdhaha qaaqaawan ay soogaliyaan facebook-ga si gabdhuhu sawiradaasi u soo badiyaan commentiga ay wiilashaasi bixiyaan ayaa noqda mid guubaabo ah sida in gabdhaha ay u muujiyaan in quruxleey ay tahay kolkaasi oo gabdhahaasina ay meesha soosaaraan sawirba midka uu kadaranyahay xaga qaawanaanta wiilashuna waa ay iska eeg eegtaan.alla maxaa danbi socda.
Sheekadu halkaasi sooba dhaaftay oo hada waxaa lamarayaa in sawir muuqal ah oo qaawan lasoo dhex dhigo tiiyoo gabdhuna ay dharka dhan dhiganeyso.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
