Fannaanada da'da yar ee Hodan Abdirahmaan ayaa cabasho ka muujisay qaar ka mid ah Boggaga Soomaalida, kuwaasi oo ay sheegtay in qaati ka taagan tahay, wixii ay doonaana ka qora,
Sidoo Kale Fanaanada Hodan Abdirahman oo war qoraal ah soo dhigtay bogga ay ku leedahay Facebook ayay waxay ka codsatay Website-yada caadeystay baahinta warar aan la hubin in ay ka joojiyaan, waxayna tiri.
Website-yada Iyo Nimanka Caadeestay Anigoo Gabar Wallaashood ah waxay raban Iga qora, Wlhi waa Nasiib xumo all website yada maahan balse waa qaar kamid ah Intaa war aysan hubsan Iga qortan Kadibna Idhahdan Naga Rali Noqo oo Joogto,
Wan ka xumahay waa Daciifnimo Raggeena qaar intey Laptop ama Computer Caato Ah Iyo Miis Isa soo ag dhigtaan afkoodana kala Furaan ayagoo Xushmad Gabar ay ka mudan tahay u fiirineyn oo ay waxey raban ka qorayaan Balse wax yalaahaas aad qoreesan ujoojin maayo ragiina Computerka Gadaashiisa ku jiro.
Hadaba Xanta Iyo Wararka Been Abuurka Ah Ee Laga Qoray Fanaanada Ayaa Lo Bidhaamiyay Heeska Amoore Oo La Sadaaliyay Inay Fanaanada Halis La Tahay Jaceyl Haleelay,
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com