Fariin Qalbi Jabsan : Waxa Ay Oohintaydu Ka Xoog Badatay Gugaca Adigana Waad Isaga Kay Tagtay

Monday, April 29, 20130 comments



Marka uu dhaawac jaceyl soo gaaro qalbigaaga madaxayga ayaan ka dhigaa mid kor u qaada sababtoo ah dadku dhagxaan ayay ku tuuraan fooda sare ee geedka si ay miruhu ugu soo daataan .

Waxa aan dareemaa jaceylkaagii mana awoodi karayo hab aan isaga tirtiro illeen waxa ku milmiyay dhiigayga mana karayo in aan kadhex saaro.
  
Ruuxii jaceyl arkay amaba wax ka yaqaan ayaan leeyahay ila wadaag mise aragtay xanuun jaceyl oo sidan ah??? Waxa aan la taahaa oo I danqiya jaceylkiisa oo marnaba ma iloobi karayo haddii aan xataa isku dayay wax kasto aan isku iloowsiin karo ; oo xasuustiisa ayaaba ii sii korodha ma aqaan waxa uu ka koobnaa jaceylkii aan u qaaday!!!!!.

Nafsadeyda waxa ay iska dhaadhicisaa in aanayba jirin jaceyl nuucan oo kale ah ; waxa aanse u fekeraa in aan qaaday jaceyl kii ugu weynaa ee uu ruux jeclaado waayo waxa aan dhadhamiyay macaantiisa qaraarkiisana waa uu ii danbeeyay








_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog