Gabar Inta Lasoo Masaafaystay Laga Dhuuntay Iyadoo Huruday ( Dhacda xanuun badan )

Saturday, April 27, 20130 comments


Gabar laga soo masaafeystay magaalo xeebadka marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose lana keenay magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ayaa markii laba habeen lagula jiray guur qarsoodi ah uu ka dhuuntay ninkii soo masaafeystay kaasoo la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay.

Wiilka ayaa magaciisa lagu sheegay Khaalid halka gabadha la soo masaafeystay ee iyadoo hurdaysa laga dhuuntay lagu magacaaboo Kaltuun Cali. Gabdhaan ayaa xayeysiin.com u sheegtay in wiilka soo masaafaystay oo magaciisa ay ku sheegtay khaalid muddo hal sano iyo bar jacayl kala dhexeeyey islamarkaana ay ku heshiiyeen inay is guursadaan ayna is masaafaystaan markii dambena isku af gartay guur qudbo siro ah, taaso sababtay in ay masaafo Muqdisho isla soo aadaan.
  
Gabdha arintaan naxdinta leh qabsatay ayaa tiri sidaan: “Waxaa uu noo keenay gabar la dhalatay oo magaalada Muqdisho degan gaar ahaan degmada Yaaqshiid muddo laba maalin ah ayaan isku qabnay
guriga walaashiis,, maalintii sedexaad ayaan waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay”.

“Wiilkii zowjkeyga qarsoodiga ahaa waxaan ka Baafinay idaacadaha Muqdisho, laakiin markii uu laba asbuuc iga maqnaa waxaan ka helay aqbaar ku saabsan isaga, wuxuuna ii sheegay inuu ku suganyahay oo uu joogo magaalada Boosaaso,, uuna aaday arrimo tahriib, taasoo fajac iyo amakaag igu noqotay” ayay tiri Kaltuun Cali..

Kaltuun sidoo kale waxay sheegtay in labo maalin ka dib uu hadana soo wacay gacaliyaheeda ay aadka u jeclayd uuna u sheegay in ay ka furan tahay taasoo naxdin hor leh ku noqotay, waxayna intaasi ku dartay in reerkeeda ay ka warhelen oo ay ogaadeen dhacdadii ku dhacday, kuwaasoo ii shegay ayay tiri in aan dib ugu laaban Karin guriga, mar haddii aan amar la’antooda soo baxay masaafana soo aaday!!









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog