Gabadhaani oo lagu magacaabo Claire Jones oo 23-Jir ah una dhalatay Dalka
Ingiriiska ayaa lagu soo waramaaya in Maalin waliba ay Cunto in ka badan 12-kun
oo Baradho oo Ceyriin ah taasoo la sheegay inay u noqotau mid caado ah.
Claire
Jones waxa ay ka carootay Ehelkeeda iyada oo ka go’day Gabi ahaan Raashinka
waxa ayna Cunno ahaan u isticmaasha Baradhada aan la bisleyn kadib markii ay la
soo daristay Uqdad ku aadan dhanka cunista Raashiinka.
Claire
Jones ayaa sheegtay inay xanuun kala kulanto Cunista Raashiinka kale, waxa ayna
sheegtay in Xanuuno aan la garaneynin ay ka qaado Cunista Raashiinka iyadoo
arrintaasi u bandhigtay Dhakhaatiir ku xeel-dheer daaweynta Xanuunada Hayeeshe
Claire Jones, wey ku guul dareysatay inay hesho Daawooyin ka caawiya Xanuunka.
Claire
Jones ayaa waxaa la soo darisay Xanuuno badan haba ugu badnaadee Xanuunka
Jirka, iyadoona laga sheegay inay la il darantahay Dhiig la’aan hadii ay sidaa
kusii soctana ay dhici karto inay u geeriyooto Xanuunka Bararka.
Claire
Jones oo la hadashay Warbaahinta dalka Ingariiska ayee waxa ay tiri ”Haa waxan
dareemaaya Xanuuno badan, xilliga aan istaago wan wareerayaa, magaranaayo halka
leyga haayo waxaana dareemaaya in Jirka oo idil uu i danqanaayo, waxan la
xiriiray dhakhtar waxa uuna ii sheegay inaan u geeriyoon
doono xanuuno ka dhasho Baradhada Ceyriinka ah” ayey tiri Mss Claire Jones.
Iyada
oo mar kale intaa ka sii ambaqaadeyso ayee tiri ”Kama helo cunista Raashiinka
waayo waxan aaminsanahay in Jirkeyga uu u baahan yahay Cunista Baradhada” ayey
tiri.
Si
kastaba ha ahaatee Claire Jones ayaa waxa ay walaac ku beertay Ehelkeeda,
iyadoona Dhakhaatiirta ay aad uga deyrinaayan Xaaladeeda Caafimaad.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
