Manuel Segovia oo 75 jir ah, iyo Isidro Velazquez oo 69 jir ah waxa ay u
dhasheen dalka Mexico waana labada qofood ee caalamka oo idil ku hadla luuqad
ayaga u gaar ah, luuqada ay ku hadlaan ayaana lagu magacaabaa Ayapaneco,
waxaana lagu sheegay in ay tahay luuqadii ugu horeysay ee dalka Mexico looga
hadlo.
Inkastoo
labadaan nin ay yihiin kuwa kaliya ee caalamka uga hadla luuqadan, hadana
arinka yaabka badan ayaa noqday in labadoodu xitaa aysan isla hadlin sababo
dhanka naxwaha luuqada quseeya awgeed, ayagoo sida la sheegay erayo dhowr ah
isku qilaafsan taasina ay dhalisay in aysanba gabi ahaan isla hadlin.
Luuqadaan
oo la sheegay in ay qarka u saaran tahay nabaad guur iyo in ay taariikhda
caalamka ka suusho ayaa haatan waxaa ku mashquulsan sidi qaamuus loogu sameyn
lahaa jaamacad ku taala dalka Mareykanka, ayadoo jaamacadani ay adeegsaneyso
labadaan nin iyo sida ay luuqada ugu hadlaan, balse arinka ugu adag ayaa ah in
aan labadaan nin la isu keeni karin, isla markaana wadahadal loo furi karin.
Isku
soo wada duuboo arintaaan ayaa ah mid aad u yaab badan, ayadoo ay ka mid tahay
wax yaabaha dunida ugu yaabka badan ee allah swt uu koonkaan ay ku nool nahay
ku kala duway.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com