Madaxweeyne Obama oo ka yaabsaday Caruur fara badan oo ugu timid Aqalka cad ee looga taliyo Mareeykanka (Daawo Muuqaal+Warbixin)

Friday, April 5, 20130 comments



Madaxweeynaha dalka Mareeykanka Mr.Barack Hussein Obama ayaa waxaa loo qiray in uu yahay Madaxweeynihii ugu horeeyay Taariikhda dhaw ee soo mara dalka Mareeykanka waliba si aad ah u soo jiita Shacabka dalkaas.
  
Madaxweeynayaashii soo maray dalka Mareeykanka intooda badan waqti ay Caruurta kula ciyaaraan ma heli jirin balse iminka waxaa la arkay Madaxweeyne Caruurta iska dhex galaya oo waliba la Ciyaaraya Sportiga nuucyadiisa kala duwan. In ka badan 30.000 oo Qof ayaa ka soo qeeyb gashay xaflad ka dhacday Aqalka Cad ee dalka Mareeykanka looga taliyo kaas oo lagu magacaabo (The White House).

Madaxweeyne Barack Hussein Obama ayaa sidii la filayay intii ay socotay Xaflada waxa uu iska dhex galay Caruurtii kaas oo la ciyaarayay, ciyaarta Tennis-ka iyo Basketball-ka.

Madaxweeyne Barack Hussein Obama oo inta badan soo jiitay Shacabka iyo Telefishinada dalka Mareeykanka waxa ay qaarkood ku tilmaameen Madaxweeyne qalbi furan oo aan Xaasid aheeyn waliba aad u jecel Dhalaanka yar yar ee soo koraya (Obama is a wonderful president).



Halkaan ka Daawo Obama oo dhex galay lana Ciyaaraya Caruur fara badan oo ugu timid The White House
















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog