Madaxweyne Caan ah oo Guur laga dalbaday Xili uu kulan ka qeyb galayay iyo Madaxweynaha oo naxtin darted Dhidid badan ka yimid!!

Tuesday, April 23, 20130 comments


Sida ay daabacday Wakaalada Wararka Mehr ee ka soo baxda Dalka Iiran, Madaxweynaha dalkaasi Mahmoud Ahmadinejad ayaa si kadis ah ula kulmay Haweeney in Mudo ah Jecleed una oomaneed aragtidiisa.
  
Xilli Madaxweynaha socdaal ku tagay gobolka waqooyi ee dalka Iiraan ee Semnan, ayaa waxa uu la kulmay Haweeney mar qurah ku dhahday ‘’Wan ku jeclahay ee I guurso’’ taasoo Madaxweyne Najaad ku noqotay Arrin uusan u heyn Jawaab waafi ah.

Wakaalada wararka Iiran ee lagu magacaabo Mehr ayaa waxa ay Baahisay Maalinimadii Axadii qoraal sheegaya in Madaxweynaha Iiraan oo shir la lahaa dadka degaanka ayaa waxa markii uu hadalka dhameeyay, shirkii ka dhex hadashay haweenay ay wakaaladu ku tilmaantay inay ahayd Islaan ama qof wayn, waxaanay iyada oo kor u dhawaaqaysa ay madaxweynaha Iiraan ka codsatay inuu guursado oo waliba dejiyo Magaalada Tehran ee Caasimadda dalkaas, taasoo ay mar qurah ka fajaceen dadkii shirka ku sugnaa.

Haweenaydan ayaa sheegtay in ay aad u danaynayso in madaxweyne Maxamuud Axmedinejad uu guursado, oo uu dejiyo caasimadda dalkaas, si ay halkaas ugu noolaato.

Markii ay hadalka dhamaysay ayaa dadkii ku sugnaa kulanku ay qosol u daateen gaar ahaan saxafiyiintii iyo duqaydii ama dadkii degaanku, hasa yeeshee Axmedinejad oo Su’aashani ku noqotay ku soo boodo, ayaa waayay jawaab uu ka bixiyo, waxaanu mar kaliya qarsoomay dhidid, ilaa heer uu ku sigtay inuu iska bixiyo dharka gaar ahaan Jaakadda.

Si kastaba ha ahaatee, Haweenaydan oo markii shirka laga soo baxay la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in dab qabsaday gurigeedu, uu dilay oo ay ku geeriyoodeen ninkeedi iyo wiil ay dhashay, cid ay la noolaatana aanay haysan oo nolosheedu ciriiri ku jirto.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog