Aadanaha
cimrigiisa waxa ugu xallad, xiisa iyo xanuun badan waqtiga dhallinyarnimada.
Xilliganna waxa ugu sii xasuus mudan marka ay qofka boggiisa iniin caashaq ka
biqisho. Iniintaasi waxay dhilataa wadnaha, waxaanay dhurataa dhiigga. Waxay
yaraysaa dhuuniga, waxaanay kala dhantaashaa hurdada. Waxay nuglaysaa kasha,
waxaanay ku beertaa baqasho, boholyow iyo baaxaa deg.
Habeenku
wuxuu kuu noqdaa dharaar, dharaartuna waxay kuu noqotaa habeen. Haddii aad la
kulanto qofkii dabka kaa dhex shitay waa kuu kabash kabash iyo kayr kayr, waa
kuu hibasho iyo hogasho. Haddii uu kaa maqan yahayna waa kuu fikir iyo
foognaan, waa kuu hiigsi iyo heeheebad.
Adiga
oo xaaladdaa ku jira garawsho, garwaaqsi iyo garab istaag midna kama heshid
bulshada aad la nooshahay. Sidaa darteed inta aad qofkan ka baqdo in aan ka
yarayn waxaad ka baqdaa bulshada oo ay agteeda malahayga danbiba ka tahay in
wax la caashaqo. Haddaba, ta bulshadu halkeeda ha inoogu dabranaatee, ogsoonow
sida aad xaq ugu leeyahay inaad noolaato ayaad xaq ugu leeyahay inaan wax
jeclaato.
Xaqaasi
haddii uu kaa maqan yahay sida aad u soo dhacsan karto mar kale ayaynu ka wada
sheekaysan, laakiin waxaan ku leeyahay:
Ceeb
maaha inaad wax jeclaato, iyo inaan lagula qaadan jacaylka midkoodna. Waxaase
foolxumo weyn inaadan waxba caashaqin, waayo waxaad markan ka baxday
xayn-daabkii banii-aadanimo. Haddii kalena waxaad ku nooshahay been iyo
is-moodsiis baqashooyin is biirsaday kugu sababeen.
Qofka
jiritaankiisu macno buuran ma yeesho oo wuu kala dhantaalan yahay haddii aanu
ka run sheegi karin dhacdo soo martay ama mid uu ku jiro markaas.
Haddaba,
iyaba waa yaabe, xalay aniga oo kala guraya Buugtayda ayuun bay warqad
midabaysan oo khadkeedu isku dar-dareeray meel ka soo dhataq tidhi. Dabadeed si
aan dhugmo lahayn haddii aan dhaayaha ugu biniiniyay, mise waxaaba warqadda ku
duugan jacayl dhicisoobay oo dhallin-yarnimadii i soo maray
.
Gabadhii aan dhanbaalkan u qoray, waxaan ka eegayay inay ii soo jawaabto,
laakiin iyadii ayuun bay igu soo celisay, illaa haddana sababtaa waan fasiri
kari waayay. Waxaanse ogaa in ay dhanbaal hore igu tidhi: “Wiil-yahaw jacayl
kuuma hayo, kuumana qaadi doono, warkaagana ma rabo ee farriin danbe oo
arrimahaa ku saaban ha ii soo dirin” Jawaabtani maalintaa waxay iiga dhignayd
waran aan loo aabba yeelin oo wadnaha la igaga dhuftay, in daqiiqad ka yar
waxaan arkay dhidid wada qooyay wajigayga, sida aan qabana dhidid maahayn ee
wuxuu ahaa dhiig wadnahayga dhaawacani soo tuurayay.
Haddaba,
muddo markii aan ka adkaystay ayuun baan maalintii danbe anniga oo is moog
farriintan igu soo noqon doonta u qoray, una geeyay inantaa ilwaadka
qurxoonayd, edebta badnayd, isla jeerkaasna noloshu bilowga u ahayd.
Heblaayo
Qaali
Salaan
diirran dabadeed, inkastoo warkayguba, waabay qadhaadhiyo, warma kaaga daran
yahay, haddana waxaynu nahay laba wanaag iyo walaaltinimo isku baratay, sidaa
darteed adiga oo taa xeerinaya ha i odhan wax danbe ha ii soo dirin, hana i
dhihin waligay jacayl kuuma qaadi doono, waayo jacaylku maaha wax rabitaanka
qofka iyo diidmadiisa u xadhko xidhan. Haddii uu sidaa yahay, Cilmi umaba
hoydeen, Cantar uma jihaadeen, Qays uma god galeen, Layli uma qaracanteen. Ma
boqreen Hadraawina, Beer-lula ma sheegeen.
Haddaba,
sidaa dhibta yar iila garo inaanay soo noq noqoshadu iga ahayn nacasnimo, ee ay
iga tahay nuglaansho uu i baday jacaylkaagu. Haa, xiskayga waxa sidaa u dhex
miranaya xubigaaga, dhiigaygana waxa sidaa u miiranaya kalgacalkaaga,
maankaygana waxa sidaa ugu meeraysana muxubadaada.
Albaabka
wadnahayga waxa heegan ku ah ciidamo adiga kaa socda oo diidan inay gabadhi soo
gashaba, xataa garoob. Intaa ka dib, sida dabiiciga ah qofku markuu wax
caashaqo, jacaylkaana lala qaadan waayo, wuxuu canaantaa naftiisa iyo
dookhiisa.
Wuxuu
hiifaa goortii iyo goobtii ugu horaysay ee uu qofkan ku arkay. Haddaba, annigu
naftayda iyo dookhaygaba waan ku hanbalyaynayaa inay wax jeclaadeen, oo ay
waliba adiga ku caashaqeen.
Goobtii
ugu horaysay ee aynu ku kulanayna waaban siyaartaa. Ugu danbayn dhibkaan doono
aan qabo, laakiin waxaan jecelahay wanaagaaga iyo wax noqoshadaada, farxadaada
iyo rayn-rayntaada.
Axmed
Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
E-Mail:
Awliyo177@hotmail.com
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com