Maxaa ku qasbay Jilaaga caankaa ee Muhadnad inuu jilaa Noqdo Jilaaga

Sunday, April 21, 20130 comments


Jilaaga caanka ah ee reer Turiki kivanc tatlitug ayaa ahaa mid xaalad nafsaani ah ku nool ka hor inta uusan soo gelin fanka, waxaana jilaagu ahaa mid ka tirsan koox ka dhisan Mareykanka oo cayaarta Kubada Kolayga,iyadoo marki dambe dhaawac xun uu ka gaaray lugta looguna bishaareeyay in mustaqbalkiisa Sports halkaas ku simanyahay, markaas kadib oo xalad murugo ah soo wajahday Mohanad.

Hooyada dhashay Mohanad ayaa ku fikirtay in shaqo kale ay u raadiso wiilkeeda maadaada ay kaga dhamaatay cayaaraha, waxeyna sawirkiisa u dirtay mid kamida wakaalahada warbaahinta, kuwaas oo laga dalbado ku biirista Modelka, waxaana wiilkeedu tijaabo cusub oo is qarxin ah u galay modelka, isagoo kadib mudo gaaban ku noqday modelka ugu fiican Turkiya 2002, wixii xiligaas ka dambeeyayna waxa uu ku biiray modelada ugu caansan caalamka.

Marki uu gaaray guushaas Mohanad, waxaa mid kamida shirkadaha soo saara filimada ay usoo bandhigtay inuu jilo Musalsalka ‘Noor, kaas oo u furay weji cusub iyo magac hor leh oo caalamka fanka ah, waxa uuna si fudud uga gadmay gudaha Turyia iyo caalamka Carabta.






_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog