Dhar cusub oo Haweenka ka difaacaya kufsiga ayaa la soo saaray Daawo Muuqaalka

Sunday, April 21, 20130 comments


Ayadoo mudooyinkan danbe ay soo badanayeen dhibaatooyinka lagu hayo haweenka caalamka oo la sheegay in tacadiyo badan loo geysto taasoo ay ugu horeyso kufsi lagula kaco iyo sharafteeda oo la wax yeeleeyo, ayaa haatan waxaa soo baxday farsamo cusub oo looga hortegi karo kufsiga.

Gabdho dhalinyaro ah oo u dhashay Dalka India kana mid ah ardayda jaamacadaha ayaa waxa ay soo saareen dhar hoose oo haweenka loogu talo galay, kaas oo difaac uga noqonaya kufsiga iyo xad gudub yada ka dhan ah haweenka.

Dharkaan ayaa la sheegay in uu ku xiran yahay maanso, maansadaas oo dharka looga dhejiyay qebta naasaha ku aadan, maadaama baa la leeyahy haweeney kasta oo la kufsanayo meesha ugu horeysa ee laga abaaro ay tahay naasaha.

Ninka isku dayaya in uu kufsado ayeyna maansadani qaban doontaa, ayadoo sidoo kale fariin deg deg ah u diri doonta xarunta ciidamada amaanka ee ugu dhow goobta ay haweeneydaasi ku sugan tahay.

Maansadan ayaana saameyn ku yeelanayn qofka dharka xiran ayadoo difaac ka hortaga loo sameeyay, balse qofka fal danbiyeedka damacsan unbey qabanaysaa maansadani sida ay sheegeen qubaradan soo saaray farsamadna cusub.








_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog