Dalalka Caalamka gaar ahaan Wadamo ku yaala Qaaradaha Asia iyo Africa waxaa maalin kasta lagu Kufsadaa Dumar fara badan oo siyaabo kala duwan Kufsigooda loogu isticmaalo waxaana mararka qaar dhacda inay qarsadaan dhibka loo geestay iyaga oo ka xishoonaya ama ka fakaraya Mustaqbalkooda dambe.
Raga ku nool dalka India oo jabiyay Iskoorka ugu badan ee dhanka Kufsashada Dumarka gaar ahaan Gabdhaha yar yar ee Ardayda ah ayaa iminka waxaa la sameeyay Qalab hor dhac ah oo difaacaya Dumarka kaas oo loo galinayo gabdhaha dhanka Naasaha.
Qalabkaan cusub oo dhawaan soo bixi doono waxaa iminka lagu sameeyay tijaabo wuxuuna si wanaagsan uga hor tagi doonaa Raga caadeeystay inay Kufsadaan Gabdhaha Ardayda ah kuwaas oo xiliyadaan dambe ku soo badanayay dalka India.
Qalabkaan ayaa qeeylin doona waliba Askarta wacaya waa hadii ay Raga dalka India isku dayaan inay xoogaan Gabdhaha maadaama la waayay qaab kale oo loo la diriro (Anti-Rape).
Halkaan ka Daawo Cajiibkaan & Qalab looga hor tagayo Raga Dumarka Kufsada
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com