Hadii lamaanaha ay doonayaan inay ku nolaadaan farxad iyo cimri dheer markaa
waa in caruusadu shan sannadood ka yaraataa caruuskeeda.”Waxa sidoo kale lagu
sheegay baadhitaankan in lamaanayaashu wakhtiga ay ugu nolosha macaan yihiin
tahay marka ay ka soo wareegto arooskooda laba sannadood, kow iyo toban bilood
iyo sideed cisho…Akhriso daraasad cusub oo farxadda qoyska.
Khubaro
samaysay cilmi-baadhis dhanka jinsiga ah ayaa sheegay inay heleen wadiiqo
lagaga bixi karo mushkilaha ka yimaada guurka. Hadii lamaanaha ay doonayaan
inay ku nolaadaan farxad iyo cimri dheer markaa waa in caruusadu shan sannadood
ka yaraataa caruuskeeda, isla markaana ay ahaato mid leh maskax iyo faham
wanaagsan.
Baarayaal
ka socda Iskuulka Dhaqaalaha ee Geneva ayaa sgheegay in raacitaanka wadiiqadani
ay kordhin karto fursadaha lagu heli karo guur farxad iyo cimri dherer leh.
lamaane ku soo baxaya wadiiqadan ayaa la sheegay inay yihiin boqorka iyo
boqorada Edinburgh.
isagoo
jira xilligan 83, ayaa la sheegay in boqoradu 4 sannadood iyo 10 bilood ka yar
tahay boqorka, iyagoo ka soo wada jeeda isla qoys boqortooyo, isagoo Philip
yahay xubin ka tirsan boqotooyada Greek iyo Danish-ka.
Dadka
baadhitaanka laga qaaday oo dhan 1,074 lamaane da’dooduna u dhexeysaa 19 ilaa
75 ayaa la sheegay in gabadhu ay boqolkiiba 27% ka maskax badan tahay ninkeeda,
isla markaana haysato shahaado aanu isagu haysan.
Nguyen
Vi Cao, oo hogaaminayey baadhitaankan ayaa sheegay,’hadii dadku ku socdaan
tilmaamahan ay ku dooranayaan lamaanahooda, waxay kordhin kasraa fursadaha
farxadooda, iyo cimri dhererka guurkoda boqolkiiba 20%. Waxa sidoo kale lagu
sheegay baadhitaankan in lamaanayaashu wakhtiga ay ugu nolosha macaan yihiin
tahay marka ay ka soo wareegto arooskooda laba sannadood, kow iyo toban bilood
iyo sideed cisho. Baadhayaashan ayaa weydiiyey lamaanayaasha wakhtiga ugu
nolosha macaanaa guurkooda, iyagoo 4,000 ka mid ahi sheegeen wakhtigaa.
Carol
Richardson, oo baadhitaankan sameeyey ayaa yidhi, ‘baadhitaankayaga waxaanu ku
ogaanay in xilliga ugu fiican nolosha lamaanayaasha Ingiriisku xilligaa ku
jirto. sida wada lugaynta, wada qaadashada kaftanka fiidkii iyo wadaagida wada
shaqeynta guriga ama xalida weelka. laakiin ma jirto sabab aad u heli weydo
hadaan raacdo tilmaamahayaga guur farxad iyo cimri dherer leh.
baadhitaankan
ayaa sidoo kale lagu sheegay in lagu ogaaday in dumarku ka helaan hadyadaha
ubaxyada, macmacaanka iyo amaantaba laba iyo badhka sannadood ee ugu horeeya.
raga ka caawiya hawsha guriga iyo karintaba inaan la gaadhin sanadguuradooda
sadexaad ee guurkooda.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com