Mulki Oo Noqotay Gabadhi Ugu Horeysay Oo Lagu Furo Facebook Dartiis (Qiso Xanuun Badan)

Sunday, April 21, 20130 comments


Qisadani ayaa ah mid ina soo gaartay mudo laga joogo 10cisho ka hor, waxayna inagu qaadatay in aan hubino mudadaas, bacdama aan usoo bandhigeeno aqristayaashena sharafta leh,

waxayna qisadani ka dhacday gudaha dalkani kenya, waxayna ku dhacday gabar magaceeda inoogu soo koobtay Mulki.

Mulki waxay sheegtay in gurigeedi xalaasha aha ay ku weysay isticmalka facebook waa sida ay ii xaqiijisaye, Mulki waxay wada jogen odaygeda oo ka shaqeysto xaafada ay somalida u badantahay ee isliii, waxaana uu inta badani jogaa gobtiisa shaqo ee ka fog xafadisa marka uu gabalku dhaco ayuu beegsada gurigiisa.

Waxayna tiri halkii uu jaanis u heli lahaa in aan wada sheekeeysano ayaan aniga ku mashquuli jiray facebook, oo aan misna ku oran jiray adiga idhaaf orod cunada guro, oo qolkaga aad facebook ayaan asxaabteeyda uga sheekeeynayaaye. 


waxayna qaadatay mudo in aan la qabsado isticmalka facebook oo maanta aan shalaay ka taagnahay, waxaan noqday ayeey tiri mid aan jecleen hadalka dadka kale waxaa un kaliya aan jeclahay in aan ever online ahaado, 

si asxabteyda aanay ii tabin waxayna sheegtay in asxaabteda ay kor u dhaafeeysay tiro ahaan 4.500, waxay warkeeda ku soo koobto facebook waxaa uu i baday furiin faceygana waa iga reebay, oo hada waxaan la yaabanahay sidii sahalka ah ee aan ku wayay lamaanaheygii nolasha aan ka doortay, mar aan weydiiyay sababta furiinka keentay ayeye igu tiri ”

sideeydii ayaan ugu mashquulsana isticmalka facebook, oo aan aha mid in mudo ah aan sheeko ama is faham ina dhex marin seyggeeygi xalaasha ahaa, oo waxaan noqday mid ku mashquusha facebook.

Maalin maalmaha kamida ayuu igu yiri seeygeeygii isniinta soo socoto ayaan guursanaya, xaas labaad ee la soco walaaleey markaas ayuu waa igu baryay oo aan maseyr iyo dagaal galay, waana mida furiinkeeyga soo dadajisay guursiga uu guursaday xaaska kale”
waxay intaasi sii raacisay markaas ayaan bilaaway amakaag iyo anfariir, talo aya faraha ka baxday anaa xigsan waayay booskii layga rabay,
Waxaan ku iri ifur isna igama uusan waanin ee warqadi furiinka iyo meherkeeygii ayuu farta ii soo saray iguna yiri facaga facbook ayaa kaa reebay furiinkana kuu horseeday, mar aan ka codasaday in ay sheegto waxa ay ku waanineso dumarka kale ee laqabo misna isticmalo facebook waxa ay kula dardaarmeeso ayeey tiri, ” 

aniga ayuu iseejiyay gurigeeygii, garoobna iga dhigay ee dumarka la qaboow xigsada booskina oo seeygina haka mashqulin hadii kale sideeydo kalaad faciina ka hareeysaan.”

Guntii iyo gaba gabdii waa macquul in dumar badani oo la qabo lagaga digay isticmalka facebook, oo keeni karo fasaad fara badan walow nafba ay si u isticmaasho, hadana waa mid fataalnimo ku dhex aburay bulshada taas oo keentay in boqolaal qof ay ku kala tagaan, ama isku furaan dartiis ma ahan marki u horeysay ee arinani dhacdo waxaa horay u dhacday in musal saladi socon jiray sida barbaro iyo mariyo kalaro lagu furay dumar badan







_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog