Gabar
asal ahaan kasoo jeeda dalkeena Soomaaliya balse ku barbaartay dalka Netherland
oo lagu magacaabo Nimco ayaa banaanka soo dhigtay wax aan marnaba laga
filaneynin gabar soomaaliyeed in ay ku dhaqaaqdo.
Arinkan
ayaana ah in gabadhani meel fagaaro ah oo waliba TV ah ka sheegtay in ay nin
raadis tahay, oo waliba ninka ay raadineyso uu noqdaa gaal cadaan ah oo si
fiican ula raaxeysta isla markaana qurux badan.
Nimco
oo 18 jir ah kuna nool dalka Netherland ayaa kasoo qeyb gashay barnaamijka
caanka ah ee loo yaqaan TAKE ME OUT, kaas oo ah barnaamij ka baxa mid ka mid ah
Telefishinada ugu caansan dalka Holland, asal ahaana laga soo min guuriyay
Ausrtralia.
Barnaamijkaan
ayaa waxaa aalaaba kasoo qeyb gala 30 naagood oo nin raadis ah, iyo sidoo kale
5 nin oo iyaguna naago raadis ah, ayadoo hadafka ugu weyn ee barnaamijkan laga
leeyahay uu yahay in nimanka iyo naagaha la isku baro oo meel la isugu geeyo si
ay u saaxiibaan isla markaana wax walbo oo ay raali isaga yihiin u wada
sameeyaan, kadibna hadiii ay doonaan is guursadaan ama ku kala tagaan
saaxiibtinimada.
Barnaamijkaan
oo aalaaba ah mid ay kasoo qeyb galaan haween u badan kuwa jirkooda ka
ganacsada, ayaa marqura waxaa kasoo dhex muuqaday gabadhan soomaaliyeed ee
Nimco, taasoo sheegtay in ay nin raadis tahay, isla markaan ay qaadan doonto
ninkii qurxan, qaab dhismeed fiican leh, sidoo kalena cad oo soo jiidasho leh.
Nimco
ayaa markii ay aragtay wiil Hollandese ah oo shidan waxa ay durbadiiba lasoo
booday, Kii aan doonayay waaba kan, waxaan dareemayaa in aan jaceyl u qaaday,
waxaan ka helay qaabkiisa, qosolkiisa, murqihiisa, aad baan u jeclaaday.
Balse
waxaa Nimco ceeb iyo bahdil ugu filnaa markii ninkii barnaamijka daadihinayay
ay ka codsatay bal in ay Mac siin karto wiilka ay ka heshay, balse daadiyihii
barnaamijka ayaa arintaas ka diiday, isagoo u sheegay in ay dadaal badan u
marto hadii ay dooneyso in ay gaalka cad shumiso.
Arintaan
ayaa ugu danbeyn noqoneysa mid ka mid ah arimaha ugu ayaan darada badan ee
bulshada soomaaliyeed ee qurbaha ku nool soo foodsaartay, ayadoo ilaa iyo
iminka aan la ogeyn diinta iyo caqiiqada ay heysato Nimco iyo waliba waalidka
dhalay sida ay isku yihiin
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com